crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ey si tiiraanyo leh iridda hore ee isbitaalka ku sugay milkiilihiisa oo dhintay | HimiloNetwork

Ey si tiiraanyo leh iridda hore ee isbitaalka ku sugay milkiilihiisa oo dhintay

Brazil (Himilonews) – Taniyo markii milkiilihiisa loo qaaday isbitaalka Ruth Cardoso Hospital ee magaalada Santa Catarina, Brazil, Ey madow oo lagu magacaabo  Negão wuxuu si dul-qaadnimo ku jirto bannaanka hore ee isbitaalka ku sugayay saaxiibkiis si uu ugu soo baxo. In kasta oo ninku dhintay in yar kadib markii la keenay isbitaalka, hadana sheekada  Negão waxay taabatay qalbiyada dad badan oo dunida dacalladeeda saaran.
Waxay ka bilaabatay dhamaadka sanadkii hore markii milkiilaha Eyga, oo ah dibjir, loo qaaday isbitaalka kolkii infection uu dilooday. Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in Negão uu daba ordayay ambalaasta ilaa iyo isbitaalka – isaga oo dhuganayay saaxiibkiis oo lagu sido sariir; sugayana inuu kusoo laabto. Wuxuu taniyo markaas saaxiibkiis ku sugayay banaanka hore ee isbitaalka, ogaal la’aantiisa inuusan dib ugu soo laaban doonin.
Mar kasta oo uu maqlo dhawaqa ambalaasta, wuxuu kusoo dhawaada ilinkeeda si uu u hubsado inay saaxiibkiis sido iyo in kale muddo bilo ah.
Waxay shaqaalaha isbitaalka ku qaadatay muddo dheer inay garowsadaan joogitaanka Negão, markii ayse maqleen sheekadiisa naxdinta leh, waxay u fidiyeen daryeel – cuno iyo biyo – iyaga oo sidoo kale gabaad uu ku noolaado u diyaariyay. Laba jeer, waxaa dhacday in qoysas isku dayaan inay xanaaneeyaan wuuse kasoo cararay isaga oo kusoo laabtay isbitaalka iriddiisa. Taniyo markaasna, madaxda isbitaalka iskuma dayin inay u raadiyaan dad xanaaneeya. Waxayna kala tashteen waaxda daryeelka xoolaha sida ugu fiican ee loogu fidin karo caawimaad u suura-galisa inuu noloshiisa ugu danbeyn sii wadan karo.
“Annaga ayuu nala joogayaa ilaa iyo inta uu go’aan kale ka gaarayo,” ayuu yiri sarkaal Giselle Bianchi. “Inta fog ee uu halkan joogo, waxaynu siin doonnaa dhamaan daryeelka iyo jaceylka uu nooga baahan yahay.” Waxay intaas kusii dartay in shaqaalaha isbitaalka ay Negao u aqbaleen qeyb kamid ah qoysaskooda – iyaga oo waqtiyadooda nasiinada marmar la baxa si ay u maaweeliyaan una siiyaan naxariista uu u baahan yahay. Wuuna soo bogsanayaa marba marka kasii danbeysa.
Tiiyoo Negao uu lumiyay ruux ku weynaa qalbigiisa, mustaqbalkiisa wuxuu u muuqdaa mid iftiimaya.
Negao-dog2-600x399
Negao-dog3-600x450
Isha: radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!