crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gabar indhool Muslimad Hindi ah oo Qur’anka ku qortay farta indhoolayaasha | HimiloNetwork

Gabar indhool Muslimad Hindi ah oo Qur’anka ku qortay farta indhoolayaasha

Delhi (Himilonews) – Gabar damane ah ama indhool ah oo u dhalatay dalka Hindiya ayaa soo gabagabeysay ku qorista Qur’anka qoraalka ay gaarka ku yihiin dadka damanayaasha ah – dadaal ay ku caawinayso kuwa iyaga lamidka ah ee naawilaya barashada diinta.
Caqabadda cadaadiska ku keentay Nafees Tareen oo ah ardayad ku jirtay Bokaro school ay go’aansatay inay aqrisato Qur’anka kariimka ah.
Hadana midkood kamid ah barayaasheeda muusan u muujin xiiso ah inay barato diinta.
Maangalnimada ah inay ka dhabeyso riyadeeda ayaa timid markii Xaafidka Mohammad Taslim uu u muujiyay xiisaha uu u hayo inuu baro Qur’anka.
Kolkii ay baraneysay Qur’anka waxay sidoo kale naawilaysay inay farta indhoolayaasha ku qorto Qur’anka – taas oo saacidaad u noqon karta damanayaasha lamidka ah.
Waxay ku qaadatay muddo sadax sanadood ah 2005-08 inay ku gabagabeyso mashruuceeda. Markii ay idleysayna waxay bilowday faaf-reeb ay ku sameyneyso deel-qaafkeeda. Kaalintaas waxaa ka saaciday muftiyada deegaanka kuwaas oo qiimeeyey dadaalkeeda una tilmaamay inay qalad uusan ku jirin qoraalkeeda.
Braille ayaa ah hab qoraaleed u sahla dadka damanayaasha ah iyo kuwa aragga liita inay ku aqriyaan kuna qoraan Qur’anka qaab taabasho ah. Waxaana curinteeda iska lahaa Louis Braille (1809-1852) oo ahaa damane noqday macalin indhoolayaasha wax u dhiga.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!