crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 800 Qoysas Muslimiin Hindi ah oo dib u celinaya Meherka | HimiloNetwork

800 Qoysas Muslimiin Hindi ah oo dib u celinaya Meherka

PATNA (Himilonews) – Gudaha kacaan bulsho oo ka dhan ah caadooyinka ku raagay, in ka badan 800 qoysas Muslimiin ah oo ku nool gobalka bariga Hindiya dhaca ee Jharkhand ayaa lacagta meherka kusoo celiyay qoysaska gabdhaha ay guursadeen taas oo daba-socta ol’ole ka dhan ah dhaqankan.
“Guulaha ol’olaheennu sameynayo waa cajiib. Xaafad ka xaafad ayay dadku noogu soo biirayaan; waxayna saf ugu jiraan celinta meherka iyaga oo waliba ka qoomameynaya falalkoodii hore,” ayuu Haji Mumtaz Ali, oo ah geyfane bulsheed, oo ol’olaha bilaabay u sheegay Jariiradda Gulf News.
Ol’oluhu wuxuu awal ku xadeysnaa degmada Palamu ee gobalka Jharkhand, hayeeshe hadda wuxuu ku faafay degmooyinka ologga la ah – halkaas oo meher-siinta ragga gursanaya gabdhaha ay noqotay xumaato bulsheed.
Dhacdadani waa markii ugu horreysay ee qoysas ay soo celiyaan meherka markii ay heleen kadib.
Ali wuxuu la niyad-weynaaday guulaha ballaaran ee ol’olaha uu soo bilaabay bishii April sanadkii hore ku tallaabsanayo.
“Maan fileyn in farriintaydu noqoneyso mid ay soo dhaweeyaan bulshooyinka ku nool gobalkeenna iyo hareeraha. Waxa layaabka leh ayaase ah in hadda guurarka dhacaya aan lagu kala qaadan wax adduun ah oo meher la yiraahdo,” ayuu ku daray.
Daganayaal badan ayaa wacad ku maray inaysan mustaqbalka aqbali doonin meher. Salim Ansari ayaana kamid ah.
“Waxaan sharaf ku dareemayaa inaan iraahdo in wixii aan horay usoo falay ay qaldaneyd; waxaana ku saxayaa hadda inaan dib u celiyo meherka la iiga keeno gabdhaha aan sodogga u noqon doono,” Ansari ayaa u sheegay war-fidiyeenka.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!