crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Beenta iskuullada lagu barto | HimiloNetwork
A teacher writes on the blackboard during class in a primary school in Berlin December 7, 2010. The three-yearly OECD Programme for International Student Assessment (PISA) report, which compares the knowledge and skills of 15-year-olds in 70 countries around the world, ranked Germany in the middle field for reading skills and above the OECD-average for mathematics and natural sciences. Teenagers from the Chinese city of Shanghai have the best education in the world, according to the major international study. AFP PHOTO / JOHN MACDOUGALL (Photo credit should read JOHN MACDOUGALL/AFP/Getty Images)

Beenta iskuullada lagu barto

 Muqdisho (Himilonews) –
  1. Sheekada Isaac Newton iyo tufaaxa.
Waa laga yaabaa inaad maqashay  ama lagaaga sheekeyay markii aad dugsiga dhexe  ama sare dhiganaysay sheeko kusaabsan  markii uu Isaac Newton (25 December 1642 – 20 March 1726)  uu fadhiyay geed Tufaax ah hoostiisa  markii uu ogaaday inuu jiro  cufis jiidadka  dhulka  “universal gravitation.” .
Kadib markii  ay madaxa ugasoo  dhacday mir ama xabad tufaax ah oo geedka kasoo go’day  , dabadeedna  uu bilaabay inuu kafakaro  sababta ay mirtu kor u aadiwayday  oo markasta oo uu kor utuurana  ay hoos uun  ugusoo laabanayso ! markii uu sidaas dhawr jeer sameeyay  kadibna uu  daahqaaday cilmigan cufisjiidadka dhulka  , tasoo lamicno ah inay ah inay  cilmi baaris kadis ahayd.
Laakiin waxaas oo dhan waa been , runta ayaana ah in Newton ay kuqaadatay mudo kudhaw 20 sano si uu xaqiiqda cilmigan ugaaro ,  sidoo kale waxaa jiray culimo kale oo dhanka sayniska ah oo uu caawimaad kahelay Christopher Wren, Robert Hooke iyo Edmond Halley.
  1. Columbus ayaa ogaaday inuu dhulku usamaysan yahay qaab ukumeed.
Sheeko  kasta oo nagasoo gaartay  ama kusaabsan Christopher Columbus  (Italian) waxay ubadan tahay  been ama mid laga badbadiyay.   waxaa laga yaabaa inaad hore umaqashay Columbus  ayaa helay qaaradda  America  toosoo aanan waxba kajirin maadaama kumanaan sano hortii isaga ladaganaa qaaradaas .
Sidoo kale fikraddan ah  in ninkani uu ahaa qofkii ugu horeeyay  ee ogaada inuu dhulku usamaysanyahay qaabka ukunta (wareegsan) oo kale  oo ah  mid dugsiyo badan lagu  dhigo waa mid aysan waxba kajirin.
Xaqiiqduna waxay tahay in aadanuhu ay 2000 oo sano kahor xitaa ogaayeen inuu dhulku ahayn mid fidsan , sida laga dheehday raadad cilmi ahaa oo ay katageen xadaarado dhawr ah kumanaan sano kahor , sidoo kale waxaa fikraddan hore uga hadlay  xisaabyahano Greek  iyo Muslimiin  isugu jiray oo noolaa boqolaal sano kahor taariikhda miilaadiyada.
Columbus-na waxaaba jirtay inuu xitaa fikir khaldan kahaystay cabirka dhulka oo uu aaminsanaa inuu sida hadda kayar yahay,  hayeeshee tani waxay kamid tahay beenaha hirgalay walina dugsiyada lagu dhigo.
  1. Diamond-ku asal ahaan waa Dhuxul Dhagax .
Dad badan ayaa rumaysan in dheemantu ay markii hore ahayd ama ugu yaraan kasamaysan tahay dhuxul dhagax , laakiin waa been kale oo laga yaabo inaad  kusoo baratay dugsiga.
Dheymantu asalka waxay kasamaysantaa macadin dhulka hoostiisa laga helo  neefta carbon ka ayaase qaybta ugu badan ka ah ,  waxaana inta badan sameeya qaybta kore ee dhulkana keena folkanooyinka dhulka hoose kadhacaya.
Fikraddan isla xiriirinaysa labadan shayna waxaa beeninaya xaqiiqda ah  in marka horeba  ay nadir/dhif tahay  in  labadan shay  isku meel laga helo.
  1. Bini’aadanku waxay kasoo jeedaan xayawaanka Daanyeerka.
Waxa laga yaabaa inay tahay beentii ugu saamaynta badnayd  marka laga eego beenaha kudhex milmay manaahijta waxbarashada , waana fikrad  mudo soo jirtay  in badanna lasoo baranayay , taasoo asalkeeda uu lahaa  ninkii fool xumada lagu xaman jiray ee Charles Darwin (12 February 1809 – 19 April 1882) kaasoo dhanka kale ahaa nin wax badan kusoo  kordhiyay cilmiga barashada noolaha ee Biology-ga gaar ahaan  xiriirka kadhexeeya noolaha iyo sida ay usoo farcameen.
Charles oo cuskanaya  jiritaanka astaamo aanan badnayn oo laga yaabo inay wadaagi karaan Bini’aadanka iyo qayb kamid ah Danyeeradu ayaaa hormariyay fikradiisan  dad bandanna kumarin habaabiyay , taasoo xitaa gaartay  heer lagu doodi karo  xitaa nolosha manta ee ay ilbaxnimadu jirto  horumarka waynna lasameeyay .
Islaamka ayaase hotiiba kahadlay  meesha dhabta ah ee  ay kazoo farcameen Binu’aadanku oo ah  inay bini’aadanku kazoo wada jeedaan Aabahood aadam  oo isagana laga abuuray ciidda , waana sida ugu saxan xaqiiqduna aytahay taasoo aan mudnayn in cadaymo kale loo raadiyo.
5. Albert  Einstein wuxuu kudhacay xisaabta.
Waa fikrada si uun kusoo gashay  manaahijta waxbarashada,   hayeeshee  ay ubadantahay in ujeedka laga lahaa ay ahayd in lagu dhiirigaliyo dadka waxbaranaya gaar ahaan xisaabta ,  aragtidan oo soo bilaabatay intii uu noolaa  Caalimkan  Xisaabta iyo physics ka  yaqaanay  , ayaa waxaa jirtay  in mar lawaydiiyay Einstein laftigiisa  su’aal ahayd  miyaad kudhacday xisaabta?
Waxa uuna  intuu qoslay  sheegay inuu horaanba kuhelay  shahaado sare xisaabaadka  differential iyo  integral calculus isagoo 15 jir ah .
Arin kale oo lasheego ayaa ah in  ay jireen maadooyin uu ku liitay ninkan  taasoo  suurtagal  noqon karta  maadaama  uusan qofna kuu fiicnaan Karin maadooyin ka oo idil.
Waxaa isku soo ururiyay; Axmed Keyse Maxamed Cabsiiye. Waana aragti isaga gaar ku ah. Mana ka turjumeyso aragtida http://himilonetwork.com://himilonetwork.com.
Kala xiriir qoraha: farriin-danabeedkiisa; Ahmedumohamedi@gmail.com
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!