crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Ol’olaha ‘samafal samee’ oo hel hadiyad | HimiloNetwork

Ol’olaha ‘samafal samee’ oo hel hadiyad

MUQDISHO (HN) — Duqa magaalada Fishers ee gobolka Indiana ee dalka Mareykanka, ayaa billaabay ol’ole cusub oo lagu xoojinayo is-dhexgalka iyo iska warqabka bulshada.

Ol’olaha loogu magac daray “Loolanka labada kun ee samafal” ayaa ku dhiiri-galinaya dadku inay sameeyaan wax uun samafal ah sida inay qof siiyaan cunno, saaxiibadood u diraan fariimo dhiirigalin ah, soo dhaweeyaan dadka ku cusub magaalada amaba wadada ka nadiifiyaan barafka fariista.

Ruuxa ka qeyb-qaadanaya oo ay tahay in da’diisu ka yaraan 18-sano, ayaa looga baahan in ficilkiisa wanaagsan ee uu qabtay uu la wadaago maamulka magaalada hab online ah kuna baahiyo baraha xiriirka bulshada markaasoo uu heli doono hadiyad $50, balse waxaa waajib ah inuu lacagtaasi uu cunto kaga iibsado maqaayadda lagu qoray magaciisa.

Scott Fadness, duqa magaalada Fishers oo fikirka lahaa, ayaa ol’olahaasi ku tilmaamay mid lagu dhiirigalinayo inay bulsada dhexdooda is caawiyaan qulqulka dhaqaalahana uusan istaagin, sida uu baahiyay warsidaha maalinlaha ah ee indystar.

Ol’olahan oo ay ku baxeyso lacag dhan 2-kun oo doolar ayaa waxaa maalgalinaya maamulka magaalada Fishers ee gobolka Indiana ee dalka Mareykanka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!