crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Lakulan – Samafalaha harharka cunnada Maqaayadaha ku nafaqeeya Darbi-jiifta. | HimiloNetwork

Lakulan – Samafalaha harharka cunnada Maqaayadaha ku nafaqeeya Darbi-jiifta.

MUQDISHO – 26-jirka reer New York ee Robert Lee waa mid kamid ah arwaaxda naadirka ah ee xirfadooda heerka sarreysa uga haray inay is-beddel ku sameeyaan dunida. Lee waa helaha Rescuing Leftover Cuisine’ oo ah dhaq-dhaqaaq sameeya dadaallo lagu cirib-tirayo gaajada magaalooyinka – isaga oo ururiya cunnooyinka ay soo daadiyaan shirkdaha waaweyn kadibna ku nafaqeeya kuwa saboolka ah.
Lee wuxuu sheegay in dhowrista iyo xurmeynta cunnada uu ka bartay waalidkiisa reer Kuuriya kuwaas oo saxamada ku hubsan jiray nadiifsanaan – barayna inuusan cunnada daadin. Si xiriir ah, wuxuu sanadihii koleejka si samafal ah kula shaqeeyey naadi lagu magacaabo One Stone, Two Birds – kuwaas oo cunnada dheeriga oo aan looga baahnayn maqaayadaha u geeya darbi-jiifta hoy la’aanta ah. Waxay ahayd waqtigan kolkii Lee uu garwaaqsaday in tallaabtan yar ay noqoto mid tusmo adag.
Maanta, Lee iyo asxaabtiisa kala tirsan RLC waxay gaaf-wareegaan jidadka New York, iyaga oo ururinaya cunnooyinka kasoo hara maqaaxiyaha iyo baararka quuddaraynaya inay sadaqaystaan. Shaqadooduna waa maalinle.
Howlgallkoodu wuxuu yeeshay baraarug guud, waxaana jira maal-gelin ay ka haleen ururrada samafalayaasha ah. Sidoo kale, waxay murqaha ku fidsanayaan dalka intiisa kale. Laamo ayay ka furteen magaalooyinka Los Angeles, Albany, San Francisco iyo Miami. Lee iyo kooxdiisa waxay kusii dhiirrinayaan cirib-tirka gaajada iyo dheelli-tirka cunnada dheeriga ah.
wasted-food2-550x412wasted-food3-550x288
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!