Maqaal – Dalmarayaal u safra sidii dal-xiisayaal kase duwan!

Muqdisho (Himilonews) – Qofi waxa uu laabta ku beegto cidi ma ogaato balse kol baa sida kaah iftiin loo arkaa waase goortuu kadin ka helo wixii ku keydsanaa. Biyuhuba kolkay karaarada ka kormaraan ayaa laga kurboodaa, kulamana laga yeeshaa iska moosidooda inta ka horreysa warba looma hayo. Dheriguna kolkuu kululaaduu karkaraa, markaas ayuu isna qooraansi kasbadaa, laguna ridaa cuuudkii la cuni lahaa caynkuu ahaadaba
Waxaa heerkaa oo kale maanta mara ama ka ag dhaw dhibaatada qaxootinimada – barakaca oo noqday mid maqalkeenna maalinlaha ah ku miisan. Boqollaal ayaa la bahoobay bayhoofka qaxootinimada ku baahay dacallada dunida, kuna qaatay wakhtigooda loxos joogta ah iyo geeddi kooreysan.Waa arrin xanuun leh markaad noloshaada badi ku dhammeysato hayaan hirasho liita hilinkiisu halis yahay- cimriguna ku cirbinayo.
Dalmarayaal u safra sidii dalxiisayaal kase duwan ayay ka sheegtaan kuwa ka ladan duufaanta xididdada u siibtay negaanshaha bulshooyin badan. Ururka mideeya badi dowladaha caalamka ayaa tun iyo tabarba u waayay xakameynta baracakan iyo qaxootinimada baalasha fidsatay ee lala baroortay. Marka la isla soo qaado wax ka qabashadiisa, waxa ay xaajadu u majiirantaa Faanoole fari kama qodna, sii fur-furideeda ayuu murug galaa.
Il furan oo aysan fududeyn farsamadeeda ayey hadda u eg tahay marka la fiiriyo kororka ku yimid dadka qaaradaha isaga gudbaya. Qarnigan 21aad, wuxuu noqday mushkiladda ku hor gudban hawlaha caalamka waxaana batay oo banaanka yimid bayhoofka laga dhaxlay. Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa dhowr iyo labaatan sano ku jiray socdaal bardhaadkiisu noqday qaxootinimo qaayo liidata.
Barakaca iyo qaxooti noqoshada ayaa leh taariikh fog oo waxaa kolba hoggaanka u hayey gelidda waayo dagaal iyo kuwo duufeed. Dhibaato kolba tan kuugu dambaysa ayaa xanuunkeeda leh, dunida waxaa culeys ku haya guur-guurka soo batay ee dhalay diihaalka. Dhacdooyin dhuuriga huwan lagana danqaday ayaa laga diwaan geliyey qiimo wiiqan intii uu socday taariikhda fog iyo tan dhawba.
Sanadkii 2015 wiil Kurdi ah jirayna 3 sano ayaa laga helay meydkiisa xeebta magaalada Bodrum ka dib markii doon wadday isaga, hooyadii iyo carruur la dhashay ay rogmatay. Sawir sabigaas laga qaaday ayaa ahaa mid xusuustiisa leh oo caalamkana tusaale fiican ka siiyay heerka uu gaarsiisan yahay bayhoofka barakaca. Tabintaas tiiraanyada laheyd ma aheyn bilow mid soo afjartay taxanaha shidda soo jirtay, balse waxay aheyd tusaale yar marka si loo eego.
Middaas oo kale ka daranna waa waxa la soo darsay muwaadiniinta reer Siiriya socdaal iyo saxariirka ku jira sanado, inta banaan yaalka noqday isla sanadkaas waxaa lagu qiyaasay 3 malyan, ku sii darso qaaradda Afrika iyo Eeshiya ayey dadkaasi ka seeto goosteen.
Nolol sheeko u biyo shubanaysa lagana soo sheego Yurub iyo Ameerika, hase ahaate haadaani ka sokayso ayaa himma kicisa kumaanta naftooda ku biimeeya – ama galiya ama geeriyoo. In kastoo qaxootinimada aysan aheyn wax ugub ah, haddana waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo inuu dunida ka weeciyo dhanka wanaagga sharafta leh, si qoto dheer markaan u eegno diihaalka qoxootinimada waa xaqiiq nagu dahaarneyd sanad tirsiga fog, ma aheyn kaliya wax la kowsaday dagaalkii koobaad iyo kii labaad.
Gacan qaadkii koobaad ee dunida sanadkii 1914, waxaa meelo badan oo Yurub ah ka bilowday barakac ka dhashay is fara saaridda dawlado loolan ka dhex jiray. Kii labaad ayaa isna horseeday guur-guur hor leh iyo qaxootinimo, bilowgiisii ayaa xal la doon-doonay – 1939 waxa la sameeyey guddi weyne hawshiisu tahay dib u dajinta qaxootiga.
Sanadkii 1917 waxaa muhaajiriin noqday 320,000 oo u dhashay Armenia kuna kala firdhaday Bariga Dhexe, Balkaniska, iyo Yurub.Wuxuu aad u kordhay xilligii isku dhacyadu ay ka jireen Jarmalka, Spain, iyo Talyaaniga, barakayaal lagu sheegay 140,000 oo reer Spain ah ayaa Faransiiska u baxsaday.
Muhaajriin u dhaxeeyey 65,000-70,000 ayaa bartamaha sanadkii 1938 go’aansaday inay ka degaan doorsadan Talyaaniga iyo Jarmalka, badankooda Afrika ayey u soo kicitimeen. Intii u dhaxeysay 1939 ilaa 1945, 1.6 malyan oo ruux ayaa ka barakacay bariga Yurub oo qaxooti noqday, haddase way booga dhaydeen.
Dalal ugu badnaa barakaca iyo haajiridda taariikhdii hore dhanka Yurub iyo Eeshia sida; Jarmalka, Austria, Czech, Armenia, Spain, Vietnam, Korea iyo China sida ka muuqata sooyaalkaa kumaan sano ayey barakayeen, iyaga oo goobaya nolol wanaagsan.
Si guud dadka qaxootinimada u haqal-taaga waxaa soo jiita fursado shaqo, kuwo tacliin oo ay ka bidhaansadaan dalal kale, kuwana waxay ku taamaan la midoobidda qoys ama saaxiibo horay u barakacay, balse muhaajiriinta ugu badan waxaa u horseeda musiibooyin dabiici ah – saboolnimo, xasilooni la’aan siyaasadeed, arrimo jinsi ama diimeed iyo dagaallo haba ugu darnaadee kan sokeeyaha dhex mara.
In ka badan 232 malyan ayaa qaxooti ahaan ugu diwaangashan dunida, waayadan si degdeg ayay sidaasi u kordhay intii u dhaxaysay 1990 iyo 2013, 50% tirada ayaa kor u kacday. World Bank ayaa wax ka qoray taariikhda dheer ee barakaca, waxuu soo qaaday Mexico oo muwaadiniin badan dibadaha ka joogaan, 97% Maraykanka ayey ku nool yihiin.
Waxaa kale oo uu bangigu soo qaaday dalalka China, India, Russia iyo Ukraine kuwaas oo  dhamaantood muwaadiiniin uga baahsan yihiin caalamka, waxa kala kiciyay haba kala duwanaadaane. Bariga Dhexe isku dhicii Carabra iyo Israa’iil sanadkii 1948–1949, waxaa ku barakacay ama ku qaxootiyoobay 500,000 ruux oo wajahay waayo adag.
Tallaabooyin kale ayaa lagu dhaqaaqay sida iclaamintii guud ee xuquuqul-insaanka 1948 ilaa ugu dambeyn laga aas’aasay hey’adda u gaarowday ee UNHCR sanadkii 1950. Waxay u qeyb samaan dadka socdaalka maala kuwa isku dayaya inay ka baxsadaan ammaan la’aan iyo kuwo ka digo roganaya qanacsanaan la’aan la seero noqotay iyo dhaan raac kooban.
Kuwii horay u dhadhamiyey dhibaatada barakaca iyo qaxootinimada waayihii hore ayaa wacyigooda dhisay ahna kuwo ka dhiifoon wax allaala wixii ku keeni kara. Balse nasiib darro Afrikaan badan iyo kuwo la dhaqan ah ayaa ka daman wax ka qabashada muwaadiniinta safarka ku sidigtay noloshooda. Badankood waxay xorriyadda heleen sanadihii 1951 ilaa 1966, guur-guurkii uga badnaa Afrika waxa uu ka dhacay Rwanda, Sudan, Bartamaha Afrika; kuwan iyo kuwo kalaba qaarkood ilaa hadda barakacu wuu ka jiraa.
Sida ay qortay mareegta www.worldvision.org bishii April 18, 2017, wadamada ugu wax soo saarka badan dhan muhaajiriinta waxaa kamid ah Somalia, Koonfurta Suudaan, kuwa la isku yiraahdo Harta Jaad – Nigeria, Cameroon, Niger, iyo Chad – Afganistaan iyo Siiriya.
Soomaaliya haddaan eegno waxaa ka dhacay barakac kala fogeeyey muwaadiniin diir iyo deegaan wadaag ahaa, dantuna u kala sahan tagtay.
Inba meeshay cagi gaysay ayay dibad yaal dayacan ku noqdeen kuwana dalka gudihiisa ayey kolba deegaan beegsadaan iyaga oo duruufuhu ku lamaanan yihiin. Tirada UNHCR uga diiwaangashan Soomaaliya ee jooga xeryaha qaxootiga dalalka deriska caddeyn inoogu filan bayhoof uu muwaadiniinta badday qaxootinimda.
Kenya: 500,000; Ethiopia 250,000; Yemen 260,000; Djibouti 20,000; Uganda 20,500.  Haddaba say noqon kartaa nolosha dadkeenaa?! Saxar ma saarna inay dayac la dadab galeen calool xumo iyo qaracan u dheer tahay, in kasta oo qaarkood ay la qabatimeen dhibaatada barakaca.
‘Qod la riday quraanjadii gashaa qoob dad waa u halis’, dulucda tixdaas waxaa fasiray bayhoofka ay muwaadiniintu ka dhaxleen barakaca baaluqay. Caano daatay dabadooda ayaa la qabtaa weli waxaan noo furan inaan iskeen uga hor tagno waxyaabaha naga geyn kara. Xalka waxaa loo arkaa inuu ku imaan karo siyaasad hagaagsan, kheyraadka oo laga wada fa’iidaysto, hanqal-taagidda dibadda oo la yareeyo.
Waa iney is-beddel sameeyaan qoomiyahu, dawladdu, waxna ka baranaa waxyaabihii sababay haajiridda ummaddihii naga horreeyey kana leexanaa arrimihii garab mariyey marinka toosan oo aan garowsanaa cirib-xumida laga koobiyo waayaha qaxoonimada.
Ka Soomaali ahaan, xalinta mushkiladan waxaa inooga furan waddo maankaaga kaasho bal ka waran haddaan dunida ka dul qaadno qeyta aan ku leenahay mashaakilkaas oo aan noqonno kuwo magacaa muunadda liita ka mayrta!!
Qore:- Axmed Maxamed Maxamuud ‘Axmed Haadi’
Xigasho – radiohimilo.so
——————————————————————
Ilaha:- www.theguardian.com/www.worldvision.org/http://himilonetwork.com://www.therichest.com/http://himilonetwork.com://www.unrefugees.org/
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!