crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjid ku yaalla Malaysia oo soo jiidanaya Indhaha Dalxiisayaasha Caalamka. | HimiloNetwork

Masjid ku yaalla Malaysia oo soo jiidanaya Indhaha Dalxiisayaasha Caalamka.

BESUT (Himilonetwork) – Kaddib lix sano oo la dhisayay, hadda Masjidka Eight Dome oo dhaca xaafadda Kampung Lapan Kotak, galbeedka Malaysia, wuxuu si mid ah usoo jiidanayaa indhaha Muslimiinta gudaha iyo dalxiisayaasha dibadda uga yimaada dalka.
“Dadku waxay ilaa dhinaca waqooyi ee dalka uga yimaadaan Masjidkan si ay ugu dhex tukadaan,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo xigatay Bernama News Agencies.
“Jiritaanka Masjidkan wuxuu xaafadeenna usoo jiiday magac dheeri ah,” ayuu yiri Wan Ahmad Wan Yaacob, oo 64-jir ah kaas oo isku ah  muezzin-ka xaafadda iyo ku-xigeenka imaamka masjidka
Qaabka dhismihiisa wuxuu shabahaa St Basil’s Cathedral oo ku taalla caasimadda Ruushka ee Moscow kaas oo isna naqshadda kasoo qaatay Masjidka Qolşärif Mosque ee Kazan, oo ah caasimadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Tatarstan.
Muuqaalkiisa loo dhisay kasokow, minaaradaha sideedda ah ee midabyada kala duwan lagu marriimay ayaa ka dhigtay mid soo jiita indhaha dalxiisayaasha.
Waxaana ku baxay adduun dhan US$1million, waxaana mar qura ku dukan kara in ka badan 500 oo Muslimiin ah gudihiisa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!