MALMÖ, Sweden (Himilonetwork) – Masjidka Malmo oo ah midka labaad ee ugu da’da weyn dalka Sweden ayaa cunno iyo hu’ u qeybinaya dadka darbi-jiifta ah xilliga qaboobaha uu soo darsaday, sida ay soo xigatay World Bulletin.
“Waddooyinka waxaan ku dareemeysaa cidlo iyo ciirsi la’aan, laakiin halkan markay noogu yimaadaan way nala hadlayaan si aan isku barano. Mana kala nihin darbi-jiif iyo darbi-jiif la’aan. Waxaan wada nahay ina Aadan,” ayay sii raacisay.
Qaban-qaabiyayaasha samafalkan ayaa sheegay inay albaabada u fureen qof walba – u eegis la’aan midabkiisa iyo diintiisa.
“Ma ahan oo kaliya quudinta dadkeenna darbi-jiifta ah, waxay sidoo kale ka dhigan tahay xiriirkeenna innaga Muslimiinta ah iyo walaaladeenna aan Muslimiinta ahayn.”
You must log in to post a comment.