HomeDunida MuslimkaMasjidka Malmo ee Sweden oo Quudinaya Dadka Darbi-jiifta ah!

Masjidka Malmo ee Sweden oo Quudinaya Dadka Darbi-jiifta ah!

MALMÖ, Sweden (Himilonetwork) – Masjidka Malmo oo ah midka labaad ee ugu da’da weyn dalka Sweden ayaa cunno iyo hu’ u qeybinaya dadka darbi-jiifta ah xilliga qaboobaha uu soo darsaday, sida ay soo xigatay World Bulletin.
“Masjidka Malmo wuxuu cunno ku filan siinayaa darbi-jiifta, qofna looga tagi maayo gaajada,” ayay tiri Eva, oo kamid ah xubnaha guddiga Masjidka.
“Waddooyinka waxaan ku dareemeysaa cidlo iyo ciirsi la’aan, laakiin halkan markay noogu yimaadaan way nala hadlayaan si aan isku barano. Mana kala nihin darbi-jiif iyo darbi-jiif la’aan. Waxaan wada nahay ina Aadan,” ayay sii raacisay.
Qaban-qaabiyayaasha samafalkan ayaa sheegay inay albaabada u fureen qof walba – u eegis la’aan midabkiisa iyo diintiisa.
“Ma ahan oo kaliya quudinta dadkeenna darbi-jiifta ah, waxay sidoo kale ka dhigan tahay xiriirkeenna innaga Muslimiinta ah iyo walaaladeenna aan Muslimiinta ahayn.”
 
Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments