Yuusuf Islam – “Doorkeennii lumay ee Dunida aan soo celino!”
Posted by: Himilo
in Dunida Muslimka, Image
December 1, 2018
584 Views
ISTANBUL (Himilonetwork) – Yusuf Islam, oo ah Muslim u dhashay dalka Britain kaas oo markii hore la dhihi jiray Cat Stevens ayaa ku bogaadiyay Dunida Muslimka inay sare u dhigaan hankooda iyo hiigsiga ku jira.
“Way adag tahay in la helo dal Muslim ah oo soo saaraya sancada diyaaradaha, gaadiidka iyo telefeshannada,” ayuu yiri Yuusuf, sida laga soo xigtay Anadolu Agency.
“Dunida Muslimka waxay lumisay kaalinteedii ku aadaneyd hoggaaminta bashariyada iyo baahinta farriinta Ilaahay – Qur’aanka,” ayuu sii raaciyay.
Isaga oo ka hadlayay shirka World Halal Summit 2018 oo ka dhacay Istanbul, Islam wuxuu intaas kusii daray in maanta caalamu-Islaami uu hebed ama hayin u noqday aragtiyada gurracan ee ka-dhanka-ah falsafadda nololeed ee diinta Islaamka.
“Iskuullo badan ayaa lagu dhigtaa cilmiga iyo tiknoolojiyadda, balse aaway Eebe, aaway Ilaahay,” ayuu yiri.
Wuxuu ugu yeeray Muslimiinta inay boorka iska jafaan oo ay is horumariyaan.
Yusuf Islam oo ahaa muusikiste caan ah ayaa qaatay diinta Islaamka sannadkii 1978.
Related
2018-12-01
You must log in to post a comment.