crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ardaygii loo takooray Xanuunka uu qabo Awgiis! | HimiloNetwork

La kulan – Ardaygii loo takooray Xanuunka uu qabo Awgiis!

Beijing (Himilonetwork) – Macalim Shiinees ah oo dugsiga hoose dhiga ayaa dhawaan laga fiijiyay ‘eryey’ shaqada kaddib markii uu takoor ku sameysay arday qaba cudurka Kansarka – isaga oo qeybta danbe ee fasalka ku karantiilay.
Macalinkan ayaa tan iyo markii loo soo wareejiyay iskuulka Liancheng, Quanzhou, gobalka Fujian, wuxuu ka ashtakoonayay wiilka si loogu wareejiyo labadiisa waalid – iyaguna ay u siiyaan daryeelka iyo baxnaanada caafimaad oo uu u baahan yahay. Macalinka ayaa sida lagu so warramayo, wuxuu markii hore moodayay in xanuunka haya ardaygan uu yahay mid faafi og. Wiilku kali kuma ahayn xanuunka. Sida ay soo warinayaan warbaahinta Shiinaha, carruur badan ayaa laga saaray iskuullada dadweynaha kaddib markii uu haleelay cudurkan.
Taniyo markaas macalinka ayaa bilaabay inuu ficillo takoor ah kula dhaqmo wiilkan xanuunsan oo la yiraahdo Zhou, wuxuuna fariisiyay qeybta danbe ee fasalka. Mana u oggolaanin in mar kaliya uu ardayda kale la qaato imtixaannadiisa.
Markii hore, Zhou wuxuu qalbiga ku qaatay mahadhada xanuunka leh ee kaga timid takoorka lagu gaar yeelay xanuunkiisa. Mana jecleysan inuu labadiisa waalid la wadaago maadaama uu diidanaa inay la murugoodaan. Balse markii guriga yimid isaga oo aan lasoo laabanin natiijada imtixaanka macalinkiisa u dhigo, waalidka ayaa bilaabay inay su’aalo weydiiyaan. Maadaama uusan heynin doorasho kale, wiilka ayaa aabihiis u sheegay sida loogu dhex takooray fasalkiisa.
Ardaygan ayaa sheegay in macalinkiisa oo isna la yiraahdo Zhou uu ku amray inuu fariisto qeybta danbe ee fasalka si cudurkiisa uusan ugu dhex faafinin ardayda kale. Wuxuuna dhaafsiisay ugu yaraan saddex imtixaan oo uu la geli lahaa ardayda kale.
Macadda haddii aabahani uu toos u aaday maamulaha iskuulka ama uu macalinka kala hadlayay ficilka uu inankiisa ku takooray. Waxaase jirta in macalinka loo jaray warqadda shaqo-ka-eryis ah. Kaddib markii la baaray tacaddiga wiilkan lagula dhacay, Guddiga Wax-barashada ee  Hui’an County Education Bureau ayaa amray in ardaygan sida ardayda kale loo oggolaado inuu la fariisto fasalka lana galo dhammaanba imtixaannada dugsiga.
Aabaha wiilka ayaa sawirrada muujinaya takoorka inankiisa lagula kacay soo dhigay baraha bulshada, halkaas oo ay kusii baahday guud ahaanba dalweynaha Shiinaha. Waxayna soo jiidatay dareenka dadweynihii daawaday.
Aragtiyo u badan naxariis iyo turaal ayaa laga bixiyay sawirrada inanka.
“Ma markii uu jiraday ayaa haddana loogu daray takoor?” ayuu soo qoray mid kamid ah dadkii ku jiray barta lagu baahiyay sawirrada.
Nuuca Kansarka ee  Non-Hodgkin lymphoma ayaan aheyn mid faafi og.

 

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeedka; hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!