crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Tuug Xaday Laptop oo Farriin Raali-gelin ah u diraya Milkiilihii uu ka dhacay! | HimiloNetwork

Tuug Xaday Laptop oo Farriin Raali-gelin ah u diraya Milkiilihii uu ka dhacay!

London (Himilonetwork) – Arday Jaamacad dhigta kaas oo dhawaan laga xaday laabtobkiisa, ayaa lagu soo warramayaa inuu helay farriin raali-gelin ah oo kaga timid tuugii dhacay – halkaas oo uu ku sheeganayo inuu u dhacay sabab faqri oo uu la noolaa.
Farriin-danabeedkan raali-gelinta ah ayaa ku baahday baraha bulshada kaddib markii wiilka degan magaalada Birmingham ee Stevie Valentine uu muuqaalka qoraalkeeda la wadaagay dadweynaha – isaga oo soo raaciyay qoraal ah ‘laabtobkaygii waa la xaday, waxaana iisoo dhacday farriin raali-gelin ah ee ila fiiriya fadlan.’
Tuuga ayaa hadalkiisa ku bilaabaya inuu ka xun yahay xatooyada uu sameeyey – isaga oo isku dayaya inuu qiil u raadiyo ficilkiisa xatooyanimada. Wuxuuna sheeganayaa inuu yahay qof faqri ah oo fara maran. Wuxuu intaas ku darayaa inuu sidoo kale qaadan karay boorsadiisa lacagta iyo moobilkiisa balse uu u naxay.
“Waxaan kuu dhaafay moobilkaaga si aadan u lumin xiriirrada asxaabtaada,” ayuu ku leeyahay qoraalkiisa.
Waxa sidoo kale cajiibka leh ayaa ah in tuugani uu ninka uu ka dhacay laabtobka u balan-qaadayo inuu usoo dirayo dhammaanba dukumentiyada uu u baahan yahay ee ugu jiray laabtopka.
“Waan u jeedaa inaad tahay arday jaamacadeed, marka haddii aad u baahato macluumaadka qaar ee kuugu jira bartaada, fadlan haka labalabeynin inaad i dhahdo iisoo dir,” ayuu usoo qoray.
Dhanbaalka tuugga oo Stevie Valentine uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka ayaa la wadaagay in ka abdan 26,000 oo jeer. Waxaana ay heshay aragtiyo kala duwan oo laga bixiyay ficilkiisa. Balse waxay u badnaayeen kuwo togan.
“Dabcan wuxuu si nagu filan noogu sharraxay baahidiisa. Milkiilaha laabtobka waxba kama lumin. Wuxuu og yahay in kumbuyuutarkiisu uu gacanta u galay nin fiican,” ayuu soo qoray midka kamid ah dadkii aqriyay dhambaalka tuugga.
“Waan ka helay tuugan,” ayuu soo raaciyay mid kale.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!