crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 35

Dunida Muslimka

Daawo Sawiradda – 130 jir Sannadkan Gudanaya Acmaashiisa Xajka.

MUQDISHO (HN) — 130 jir dalka Induniisiya u dhashay ayaa yimid magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga si uu sannadkan kaga mid noqdo xujeyda gudanaysa acmaasha Xajka. Ohi Aidros Samr waxaa safarkiisa ku wehlinaya 6 xubnood oo qoyskiisa kamid ah. Gudaha garoonka diyaaradaha waxaa ku qaabilay xubno sare oo kamid ah saraakiisha Xarameynka kuwaas oo hadyado iyo ubaxyo guddoonsiiyay. Laba maalin ...

Read More »

Mane ayaa Masjid, Iskuul iyo Isbitaal ka dhisaya Magaaladii uu ku dhashay.

MUQDISHO (HN) — Xiddiga xulka Senegal iyo kooxda Liverpool, Sadio Mane ayaa booqday dhismaha dugsi uu maal-geliyay oo laga dhisayo degmada uu kasoo jeedo. Mane oo kasoo laabtay finalka koobka African Cup halkaas oo xulkiisa uu ku hoggaamiyay kama-danbeysta ayaa u yimid si uu u qiimeeyo heerka uu marayo mashruuca uu maal-geliyay. Wuxuu sidoo kale kol hore u sameeyey xarun ...

Read More »

Haweeney 102 jir ah oo Sannadkan kamid ah Xujeyda.

MUQDISHO (HN) — Haweeney 102 jir ah, oo ka timid dalka Thailand, ayaa noqotay Xaajiyadda ugu cimriga dheer xujeyda sannadkan. “Waxaan jeclaa marwalba inaan soo xajiyo; laakiin fursaddaas hadda ayay ii timid si aan uga faa’iideysto,” ayay tiri Noh Lanai iyada oo faraxsan. Haweeneyda Muslimadda ah waxay safar uga timid Madiina al-Munawarah, waxaana wehlinayay reerka uu ka mid yahay wiilkeeda. ...

Read More »

Ciidda Carafo oo ku beegan 11 August.

MUQDISHO (HN) — Ciidul-Adxa waxaa la filaya inay dhalato maalin Isniin ah 11 bisha August ee sannadkan, marka loo eego hilaadin ay sameysay mareegta Moonsighting.com. Bisha Carafo ayaa ka bilaabanaysa 1-da bisha August, waxaana la filayaa in sidoo kale acmaasha Xajka ay isla goortaas la bilowdaan. Goor hore, xujeydii ugu badneyd ayaa ku qulqulay gudaha Makka iyo Madina si ay ...

Read More »

Haweeney 101 sanno jir ah oo sannadkan kamid ah Xujeyda.

MUQDISHO (HN) — Kaddib gu’yaal dhowr ah oo ay ku hanweyneyd inay booqato Guriga Eebbe, haweeney 101 sanno jir ah oo dalka Hindiya u dhalatay ayaa sannadkan suura-gelinaysa riyadeedi aheyd inay xaajiyad noqoto – iyada oo ku sugan Xarameynka. Haweeneydan oo la yiraahdo Attaar Bibi Hussain Baamar waa xaajiyadda ugu da’da weyn xujeyda ka imaanaysa dalka Hindiya sannadkan. Baamar waxaa ...

Read More »

Cunugii ugu horreeyey ayaa ku dhashay Xajka sannadkan.

MUQDISHO (HN) — Lammaane dalka Hindiya u dhashay oo Sucuudiga u jooga gudasha acmaasha Xajka ayaa Alle ugu deeqay dhallaan – kaas oo noqonaya kii ugu horreeyey sannadkan ee lagu dhalo Xaramka, sida laga soo xigtay Saudi State Media. Ilmahan ku dhashay Sucuudiga ayaa loo bixiyay Madinah oo ah magaaladii Nebiga NNKH si ay u weyneeyaan jaceylka ay u qabaan ...

Read More »

Ehellada Dadkii lagu laayay Christchurch oo helaya deeq ay kusoo xajiyaan.

MUQDISHO (HN) — Ku dhawaad 200 oo xubnood oo kamid ah ehellada dadkii lagu laayay Xasuuqii Christchurch ee dalka New Zealand ayaa lagu casuumay duullimaad bilaash oo ay kusoo gutaan acmaasha xajka ee sannadkan. Sheikh Abdulladif al-Sheik oo ah wasiirka arrimaha Diinta Islaamka, ayaa yiri; ‘Waxaan casuumnay walaallada si aan ula qeybsanno tagtada wixii k,u beermay; sidoo kale-na aan ula ...

Read More »

Dunida oo canbaareysay tacaddiga Shiinuhu ku hayo Muslimiinta Uyghur.

MUQDISHO (HN) — 22 dal ayaa iskugu tagay cod midaysan si ay taageero iyo garab istaag ugu muujiyaan Muslimiinta Wiigarka – iyaga oo xukuumadda Shiinaha ugu yeeray inay ka dulqaado cadaadiska una oggolaato inay si xurnimo leh ugu dhex noolaadaan gobalkooda, sida laga xigtay CNN-ka. Warqadda oo ku soctay Qeybta Xuquuqda Aadanaha QM ayaa loogu yeeray Shiinaha inuu soo af-jaro ...

Read More »

Xaramka oo sannadkan loo dhisayo Teendhooyin dabaqyo ah.

MAKKAH (HN) — Markii ugu horreysay taariikhda, teendhooyin isasaar ah ayaa loo dhisay xujeyda gudanaysa acmaasha Xajka si loo ballaariyo nafiska xagga jiifka iyo guryeynta ah inta lagu guda-jiro gudasha waajibaadka. ‘Tani waa qeyb kamid ah hiraalka fog ee 2030 kaas oo looga golleeyahay in lagu horumariyo adeegyada kala duwan ee loo qabto martida Eebe ee sannad walba soo xejinaysa,’ ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!