crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Xaramka oo sannadkan loo dhisayo Teendhooyin dabaqyo ah. | HimiloNetwork

Xaramka oo sannadkan loo dhisayo Teendhooyin dabaqyo ah.

MAKKAH (HN) — Markii ugu horreysay taariikhda, teendhooyin isasaar ah ayaa loo dhisay xujeyda gudanaysa acmaasha Xajka si loo ballaariyo nafiska xagga jiifka iyo guryeynta ah inta lagu guda-jiro gudasha waajibaadka.


‘Tani waa qeyb kamid ah hiraalka fog ee 2030 kaas oo looga golleeyahay in lagu horumariyo adeegyada kala duwan ee loo qabto martida Eebe ee sannad walba soo xejinaysa,’ ayuu yiri Abbas Qattan.

Qaabka loo dhisay teendhooyinka ayaa ka dhigan in qeybta hoose ay noqonayso keydka adeegyada ay qabanayaan shaqaalaha iyo howl-wadeennada Xajka – halka qeybteeda kore ay degayaan xujeyda.

‘Halkii teendho waxaa mar qura wada degi kara sideed xujey ah,’ ayuu yiri.

Teendho walba waxay leedahay qalabka dab-damiska iyo qaboojisada, waxaana loo laablaabi karaa si fudud.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!