MUQDISHO (HN) — Eedeysane dilaa ah oo 19 jir ah oo ku nool Turkiga ayaa si la yaab leh uga baxsaday Xabsiga kaddib markii uu booskiisa ku beddelay walaalkiis oo booqasho ugu yimid.
Murat A wuxuu xukun muddo dheer ah ku qaadanayay xabsiga markii walaalkiis Hussein booqasho ugu yimid. Waxaa loo idmay inay weji-ka-weji u hadlaan. Sawir ay labadooda ku wada jiraan ayaa muujinaya inaan la kala garan karin wejiyadooda. Waana midda ku adkaatay in boolisku uu kala dheeho muuqaalladooda isku eg.
Ma cadda sababta Hussein uu u doortay inuu booska walaalkiis Murat uu u buuxiyo. Waxaase wali lagu jiraa baaritaan.
You must log in to post a comment.