crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Cunugii ugu horreeyey ayaa ku dhashay Xajka sannadkan. | HimiloNetwork

Cunugii ugu horreeyey ayaa ku dhashay Xajka sannadkan.

MUQDISHO (HN) — Lammaane dalka Hindiya u dhashay oo Sucuudiga u jooga gudasha acmaasha Xajka ayaa Alle ugu deeqay dhallaan – kaas oo noqonaya kii ugu horreeyey sannadkan ee lagu dhalo Xaramka, sida laga soo xigtay Saudi State Media.


Ilmahan ku dhashay Sucuudiga ayaa loo bixiyay Madinah oo ah magaaladii Nebiga NNKH si ay u weyneeyaan jaceylka ay u qabaan Suubanaha.

Sannad kasta, dhowr ilmood ayaa la dhalaa inta lagu jiro gudashada acmaasha barakeysan ee Xajka. Ilmahan ku dhasha Xajka ayaa noqda kuwa aad loogu riyaaqo dhalashadooda.

Muslimiinta ayaa sannad kasta soo aada magaalada Makka si ay u gutaan acmaasha Xajka.

Xajka sannadkan ayaa lagu wadaa inuu bilowdo 9th bisha August wuxuuna soconayaa ilaa laga gaarayo 14-ka bisha August.

Tiro lagu hilaadiyay 200,000 oo Xujey u dhashay dalka Hindiya ayaa sannadkan qeyb ka noqonaya gudashada acmaasha Xajka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!