crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida oo canbaareysay tacaddiga Shiinuhu ku hayo Muslimiinta Uyghur. | HimiloNetwork

Dunida oo canbaareysay tacaddiga Shiinuhu ku hayo Muslimiinta Uyghur.

MUQDISHO (HN) — 22 dal ayaa iskugu tagay cod midaysan si ay taageero iyo garab istaag ugu muujiyaan Muslimiinta Wiigarka – iyaga oo xukuumadda Shiinaha ugu yeeray inay ka dulqaado cadaadiska una oggolaato inay si xurnimo leh ugu dhex noolaadaan gobalkooda, sida laga xigtay CNN-ka.


Warqadda oo ku soctay Qeybta Xuquuqda Aadanaha QM ayaa loogu yeeray Shiinaha inuu soo af-jaro handaraabka joogtada ah oo uu ku hayo tira-yarta Muslimiinta ah ee Uyghur-ka. Waxaa sidoo kale la weydiistay inay oggolaadaan khubarada beesha caalamka ka socta inay gobalka soo indha-indheeyaan xaaladda.

Xubnaha 22 dal ka socday ayaa walaac iyo murugo ka muujiyay xaaladda cabbursanaanta leh oo ay ku sugan yihiin Muslimiinta Shiinaha kuwaas oo loo diiday inay si xurnimo leh ugu dhex noolaadaan gudaha dhulkooda; loona geystay xad-gudubyo joogto ah oo ka baxsan xuquuqda insaanka.

Ku dhawaad 2 milyan oo Muslimiin Wiigarka ah ayaa lagu xiray xabsiyo lagu sheegay dhaqan-celin iyo dal-jecleysiin.

Dalalka saxiixay dhanbaalka loogu gudbiyay Guddiga Xuquuqda Aadanaha QM waxaa kamid ah Australia, Japan, Britain, France, iyo Jarmalka – halka Switzerland ay codsatay in dhanbaalka laga mid dhigo keydka caalamiga ku-xad-gudubka Xuquuqda caalamiga.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!