crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dunida Muslimka | HimiloNetwork | Page 13

Dunida Muslimka

Masjidka Barmingham oo deeq la gaaraya Danyarta +Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Masjid ku yaalla Barmingham ayaa ku biiraya samafalayaasha Muslimiinta ah si uu kaga qeyb noqdo ol’olaha lagu quudinayo danyarta xilligan adag ee lagu jiro. Qoysas badan ayaa la halgamaya nolosha adag ee jirta. Ku dhawaad 300 xirmo oo cunnooyin bisil ah ayay bixinayaan maalin walba. Waana qeyb kamid ah dadaalka ay horboodayaan Muslimiinta UK oo aalaaba lagu ...

Read More »

Fannaanka reer Nigeria oo dhab u qaatay Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Abdulrasheed Bello oo ah ku guuleyste iyo helaha abaalmarinta ka koobaan heesaha, muusikiistaha, hobolka heesaha kulul ayaa qaatay diinta Islaamka. Wuxuu u dhashay dalka Nigeria. Waana mid kamid ah kuwa ugu caansan dunida hal-abuurka heesaha iyo muusiga ee dalka dalka ugu dadka badan Afrika ee Nigeria. Go’aankiisa iyo warka sheekadiisa ayuu ku baahiyay bartiisa instagram-ka. Wuxuuna ku ...

Read More »

La kulan – Imamka Cunnada u kariya Darbi-jiifta.

MUQDISHO (HN) — Imaamnimadu waa hoggaamin, wanaajin iyo isku dumidda dadka siiba jamaacada Masjidka iyo Muslimiinta si guud. Laakiin Metin Kaçar oo imaam ka ah masjid ku yaalla Istanbul, waxaa usii dheer inuu maalinle cunnada ugu kariyo jaarkiisa danyarta u badan oo aan heli karin cunno ay cunaan. Waa 60 jir imam ka ah Masjidka Hürrem Çavuş muddo 26 sannadood ...

Read More »

Ururka Gacmo Furan oo kaalmo la gaaraya Danyarta iyo Darbi-jiifta UK.

MUQDISHO (HN) — Gu’yaal badan ayay kooxdan Muslimiinta ah oo la yiraahdo Hands Open ama Gacmo Furan cunnooyin bisil la gaarayeen dadka danyarta ah ee inta badan jiifsada gidaaradda iyo jidadka iyo qoysaska tabaaleysan. Waxayna qeyb ka yihiin ol’olaha qaran ee ciribtirka gaajada ee ka socda UK. Waxaana howlgalkooda dheeri ku ah siinta iyo u diyaarinta meelo ay jiifsadaan iyo ...

Read More »

Kaniisad loo beddelayo Masjid.

MUQDISHO (HN) — Saddex sanno ayay albaabada isugu dhifsaneyd Kaniisadda St. Margaret Mary. Laakiin hadda waxaa la doonaya in loo beddelo Masjid lagu cibaadeysto oo Muslimiintu ku tukadaan. Waana kaniisaddii saddexaad oo ay Muslimiintu u beddeshaan Masaajid ay ku tukadaan. Guud ahaan Kanada waxaa ku yaalla 32 Masjid oo ay ururkan Muslimiinta ah ka dhiseen. Balse qeyb kale oo kaniisaddan ...

Read More »

Da’yarka doonaya in hooyadiis uu u samafalo geerideeda kaddib.

MUQDISHO (HN) — Da’yar Muslim ah oo ku nool waqooyiga London oo hooyadiis ay u geeriyootay xanuunka kansarka iyo dhimirka ayaa adduun dhan £60,000 ku bixinaya dhismaha Masjidka iyo qodista ceel biyood ay dadku ka waraabaan si ay sadaqo jaariya ugu noqoto hooyadiis. Adnan Hashim, oo 24 jir ah, wuxuu ka joogsaday safar bisha Malabka ah oo uu ku tagi lahaa ...

Read More »

Feeryahanka Kevin oo qaatay Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Mid kamid ah ku guuleystayaasha feerka miisaanka culus, Kevin Lee ayaa qaatay diinta Islaamka – waana tallaab la-yaab sunniyuhu la taagmaan ku noqotay taageerayaal badan oo uu leeyahay. Feeryahankan 30 jirka ah ayaa qaatay Islaamka sannadkii 2021, wuxuuse si rasmi ah u daahrogay sannadkan 2023. Bartiisa twitter-ka ayuu uga mahadceliyay taageerayaashii u muujiyay jaceylka iyo garab istaagga. ...

Read More »

Masjidka Stockon oo loo oggolaaday codbaahiyaha inay ku aadaamaan!

MUQDISHO (HN) — Markii ugu horreysay ayay dadka ku nool xaafadda Stockton-on-Tees ee waqooyi bari England waxay aadaanka salaadda ka maqleen codbaahiyaha. Masjidka Farooq E Azam wuxuu noqday midkii koowaad ee aadaanka salaadda loo adeegsado codbaahiyaha ee deegaanka ku yaalla. Dadaal badan ayay bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Stockton ku bixiyeen inay fasax u helaan adeegsiga codbaahiyaha si ay ...

Read More »

81 milyan oo booqday Masjidka NABIGA ee Madina sannadkan oo qura!

MUQDISHO (HN) — 81 milyan oo Muslimiin ah ayaa booqday Masjidka Nabiga taniyo markii la guda-galay bisha Muxaram sida ay kusoo warrantay wakaaladda wararka Sucuudiga. Barxadda Rawdah Sharif ee Masjidka Nabiga waxaa ku tukaday 8 milyan oo Muslimiin ah shantii bilood ee lasoo dhaafay. Inta badan dadka Cumrada usoo aadaya Makka ayaa doorbida inay kasoo degaan Madiina kadibna ku negaadaan ...

Read More »

Ardayda Muslimiinta Windsor oo jaakado u qeybinaya Danyarta iyo Darbi-jiifta.

MUQDISHO (HN) — Sadaqo sokeeye dhaaftay waa sooma noqoto ayay tiraah Soomaalidu. Mana jirto tusaale ka qurxoon wax-bixinta loogu deeqo sokeeyaha kula nool ee danyarta oo aan ka ahayn midka ay horboodayaan dhalinyaro Muslimiin ah oo ka kala socda dhowr iskuul oo ku yaalla Kanada kuwaas oo wadajir iskugu keenay ku dhawaad boqol jaakadood oo ay dhaxanta iyo qabowga uga ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!