crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka Barmingham oo deeq la gaaraya Danyarta +Sawirro. | HimiloNetwork

Masjidka Barmingham oo deeq la gaaraya Danyarta +Sawirro.

MUQDISHO (HN) — Masjid ku yaalla Barmingham ayaa ku biiraya samafalayaasha Muslimiinta ah si uu kaga qeyb noqdo ol’olaha lagu quudinayo danyarta xilligan adag ee lagu jiro.

Qoysas badan ayaa la halgamaya nolosha adag ee jirta. Ku dhawaad 300 xirmo oo cunnooyin bisil ah ayay bixinayaan maalin walba. Waana qeyb kamid ah dadaalka ay horboodayaan Muslimiinta UK oo aalaaba lagu yaqaan kaalmada dadka Britain kula nool oo aan heli karin dhuuniga ay ku samata-baxaan.

Qoysas danyarta ah hadda waxay walwal yari cunnooyin xirmaysan ugu soo hagaagi karaan Masjidka si ay guryahooda ugu qaataan. Waxaana hoggaanka u heysa Hey’adda Islamic Relief.

Balse kuma eka deeqdu kaliya dhuuni. Waxaa la socda dharka ama huga dhaxanta loogu tala-galay sida jaakadaha oo loo qeybinayo dadka qabowga aan u heli karin wax ay kaga gabaadsadaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!