crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 8 Marso: Maalinta Caalamiga ee Haweenka Adduunka | HimiloNetwork

8 Marso: Maalinta Caalamiga ee Haweenka Adduunka

Muqdisho (Himilonews) – Maanta oo kale 8 Maarso sanad kasta waxaa dunida laga xusaa Caalamiga ee Haweenka Adduunka. Xuska maalintan ayaa diiradda lagu saaraa doorka haweenka caalamku ku yeeshaan horumarinta, badbaadinta iyo daryeelka kaga aadan bulshooyinka ay la nool yihiin.
Hal-ku-dhagga sanadkan ee munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka ayaa loo qaatay: #BeBoldForChange oo micnaheedu yahay U adkow isbadal.
Sida ku dhigan mareegta Maalinta Caalamiga ee Haweenka, munaasabadda ayaa la xusayay taniyo sanadkii 1900 halkaas oo qirashada kaalmaha ay haweenku ku yeesheen koru-qaadista dalalka ku horumaray warshadaha ay keensatay in wax-qabadkooda maanta oo kale la weyneeyo.
Dulucda ayaa ah in la tilmaamo sida haweenku u yihiin xoog muuqda iyo xubno u firfiroon badbaadinta iyo horumarinta nolosha bulshooyinka.
Waxaa jirta dhibaatooyin kala duwan oo joogto iyo dhif-dhif ah oo haweenka dunida ku foolan kuwaas oo la xuso maanta oo kale. Dulmiga ka dhanka ah xuquuqdooda waa kuwa ugu waaweyn ee ilaa maanta taagan kuwaas oo halis geeri ku dhamaata marar ku keenta nolosha haween badan. Kufsiga. jirdillada, guurka-qasabka ah iyo u diidista inay wax-barato waa mushaakiladaha ilaa maanta muuqda ee haween badan ku ah nabar ku taagan laabtooda.
Balse haween kale ayaa ku raaxaysta fursadaha aasaasiga u ah nolosha qofka Aadanaha oo waliba awooday inay doorkooda ku muujiyaan dhalinta iyo abuurista saameyn iyo wax-qabadka gaara qeybaha kala duwan ee bulshooyinka ay kamidka yihiin.
Haweenka Soomaaliyeed waxay isugu jiraan kuwa la kulma dhibaatooyinka qaar iyo kuwa ku raaxaysta fursadaha aasaasiga ah. Doorkooduna wuxuu taniyo muddaba ahaa mid muuqda siiba sanadihii burburka oo dhexda u xirteen daryeelka iyo buuxinta kaalintii kaga aadaneyd qoysaskooda.
Waxayna maanta oo kale xusaan munaasabadda maalinta caalamiga ah ee haweeenka dunida iyaga oo isla gorfeeya xaaladaha kala duwan ee la xiriira kaalintooda, wax-qabadkooda iyo doorka ay ku leeyihiin is-badallada dalka ka dhacaya.
Haweenkeennu waa xoog mar kasta muuqda oo inta wax-ma-garatada ahi ay liidaan, sida uu yiri Jaalle Maxamed Siyaad Barre. Waa haweenkeenna oo kaliya kuwa laga helo hal-curiso, ababiso iyo aqoon-yahanad leh kartida ay ku abuuri karto hal-fikir iyo aragti yooleysan.
Waxay si aan la xusin u yihiin sirta qarsoon ee ku guuleystay soo saarista jiilasha maanta jaamiciyiinta ee ku dhashay xilli kala carar iyo fawdo ah. Hubaashiina, gef ma ahan in la yiraahdo waa iyaga oo kaliya kuwa badbaado u noqday qoysaskii Soomaaliyeed ee kala baqa ku kala irdhoobay.
Natiijooyinka maanta muuqda ee laga arki karo faca hana-qaaday ee ka meyreynaya mahadhadii iyo tiiraanyadii ay ugu soo if-baxeen dunida, waa halgan adag oo naf-hurnimo leh oo ku yimid dhabar-adeygooda.
Walina waa kuwo aan ka daaleyn – inta karaankooda ah – inay ku garab istaagaan kuwa aan codka laheyn iyo kuwo aan maanta helin ayaan nabadeed.
Tusaale ahaan, ku jiritaanka xaaladaha adag ee dalku galay oo abaartu ugu weyn tahay, haweenka Soomaaliyeed waxay wacyiga munaasabadda maanta ku jiheynayaan wax-ka-qabashada iyo u gurmadka dadka abaaruhu halakeeyeen. Waana farriinta ay maanta dunida kale la wadaagayaan.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!