MUQDISHO (HN) — Gu’yaal badan ayay kooxdan Muslimiinta ah oo la yiraahdo Hands Open ama Gacmo Furan cunnooyin bisil la gaarayeen dadka danyarta ah ee inta badan jiifsada gidaaradda iyo jidadka iyo qoysaska tabaaleysan.
Waxayna qeyb ka yihiin ol’olaha qaran ee ciribtirka gaajada ee ka socda UK. Waxaana howlgalkooda dheeri ku ah siinta iyo u diyaarinta meelo ay jiifsadaan iyo bustayaal ay dhaxanta uga gaashaantaan.
“Waxaynu caawinnaa qof walba oo walaal ah oo ka warwaraya halkii uu ka heli lahaa meel uu wax ka cuno marka uu soo tooso,” ayuu yiri Imran Khan. “Waxaa intaas dheer oo aan ka caawinaa inay helaan hoy, shaqo iyo soo dhaweyn bulsho,” ayuu sii raaciyay.
Islaamku aad buu meel sarreysa u dhigay kaalmeynta danyarta iyo in hadalka fiican iyo naxariis lagula dhaqmo kuwa ayaanka liita ee gargaarka u baahan.
Sicir barar ka dhacay UK ayaa keenay in baahida loo qabo xarumaha kaalmadan oo kale bixiya ay kordhaan.
“Taniyo bishii April waxaan maalin walba quudin jirnay 100 qofood,” ayuu yiri. “Waagii hore dad tiradaas barkood ka yar ayaan cunnooyin siin jirnay.”
Ururka Muslim Hands Open waxaa la aas-aasay sannadkii 1993, waana mid inta badan ka howlgala meelaha musiibooyinku ka dhacaan iyaga oo kaashanaya hey’adaha caalamiga ah.
Waxay ka holwgashaa in ka badan 50 dal.
You must log in to post a comment.