crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Da’yarka doonaya in hooyadiis uu u samafalo geerideeda kaddib. | HimiloNetwork

Da’yarka doonaya in hooyadiis uu u samafalo geerideeda kaddib.

MUQDISHO (HN) — Da’yar Muslim ah oo ku nool waqooyiga London oo hooyadiis ay u geeriyootay xanuunka kansarka iyo dhimirka ayaa adduun dhan £60,000 ku bixinaya dhismaha Masjidka iyo qodista ceel biyood ay dadku ka waraabaan si ay sadaqo jaariya ugu noqoto hooyadiis.

Adnan Hashim, oo 24 jir ah, wuxuu ka joogsaday safar bisha Malabka ah oo uu ku tagi lahaa Turkiga markii ay soo gaartay warka geerida hooyadiis.

“Markii iigu dambeysay waxaan hooyaday kasoo dhunkaday foolka – haddana waxaan meydkeeda markii aan u tagay ka dhunkaday foolka markii iigu dambeysay,” ayuu yiri Adnaan oo dhigta culuumta sharciga ee Jaamacadda City.

“Waxay ii ahayd sida saaxiib, walaal, iyo gacaliso marwalba farxadeenna u taagan.” ayuu sii raaciyay.

Si kastaba, muddo toddobaad ah gudihiis ah, ayuu deeq dhan £55,000 usoo ururiyay, waxaana uu qorsheynayaa inuu masjid iyo ceel uga qodo dalka Gambia ee dhaca galbeedka Afrika.

“Marwalba oo qof ooman uu ceelkaas biyo ka cabo, waxaa kordhaya xasanaadka hooyaday ay ku heli doonto Eebbe agtiisa,” ayuu yiri.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!