crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La-yaabka | HimiloNetwork | Page 9

La-yaabka

Dhaleeceyn loo jeediyay haweeney caan ah oo sheegtay inay guursanayso….

MUQDISHO (HN) — Haweeney 35 jir Raashiyan ah oo caan ka ah barta Instagramka ayaa la kulmaysa dhaleeceyn xooggan kaddib markii ay ku dhawaaqday inay is guursanayaan wiilka uu dhalay seygeedii ay kala tageen. Marina Balmasheva, oo kusoo caan baxday markii ay muuqaal ka sameysay sida culeyska la iskaga dhimo, ayaa maalmahan soo jiidanaysa indhaha dadka ku xiran barteeda, waayo ...

Read More »

Nin sabab la yaab leh u garaafeeyey Gaariga qaali ah!

MUQDISHO (HN) — 22 jir ayaa dhawaan lagu soo eedeeyey inuu si ku-tala-gal ah u garaafeeyey gaari BMW ah oo yiil mid kamid ah shirkadaha iibiya gaadiidka – la yaab sunniyaha lala taago waxaa noqday in ninkani uu falkan u sameeyey si uu aabihiis ugu qabso inuu u iibiyo gaarigaas maadaama uu jiro xeer la yiraahdo “you break it you ...

Read More »

Nin u dhintay cunista 42 Xabbo oo Ukun ah!

WEST BENGAL (HN) — 42 jir ku nool gobalka Uttar Pradesh, dalka Hindiya ayaa lagu soo warramayaa inuu u geeriyooday kaddib markii shardi lagula galay inuu cuno 50 xabbo oo ukun karsan ah. Subhash Yadav iyo saaxiibkiis waxay isku dhigteen xujo taas oo ah in midkii cuna 50 xabbo oo ukun karsan ah uu helayo lacag dhan 2,000 rupees ($28). ...

Read More »

11 jir – si ay u badbaadiso saaxiibteed – Yaxaas isha kala baxday!

HARARE (HN) — Rebecca Munkombwe, oo 11 jir ah ayaa lagu tilmaamay geesiyad kaddib markii 9 jir saaxiibteed ah ay kasoo badbaadiyay gowsaha yaxaas dafay iyada oo webiga jinkiisa taagan. Waxa kaliya oo kusoo dhacay inay sameyso ayaa noqday inay ku boodo dusha yaxaaska – kaddibna ay isha farteeda uga soo saarto ilaa uu ka daayay saaxiibteeda. Marka loo eego ...

Read More »

44 jir aan wejigiisu dhab u korin oo lagu qaldo cunug yar!

MUQDISHO (HN) — Inaad leedahay weji dhalinyar waa raasamaal aan la helin. Laakiin 44 jir ku nool dalka Shiinaha oo wejigiisa uu u eg yahay cunug jira kala bar da’diisa, waxay ku noqotay habaar. Waayo ma guursan karo. Qof walbana wuxuu u maleeyaa cunug muuqaalkiisa koobaad. Zhu Shengkai oo ku nool gobalka Xiang wuxuu dhaawac madaxa kasoo gaaray 6 jirnimadiisa ...

Read More »

Canbaareyn laga bixiyay Diindiin dushiisa Koolo lagu dhejiyay!

BEIJING (HN) — Shaqaalaha Beerta lagu xanaaneeyo noolaha oo ku taalla Shiinaha ayaa la kulmay canbaaareyn xooggan kaddib markii Diindiin ay dushiisa kolay yar kula dhejiyeen koolo adag si dalxiisayaasha ay ugu ridaan shilimaadka ay hayaan. Muuqaal laga soo qaaday Diinka kaas oo ku baahay baraha bulshada ayaa keensaday dhaleeceyn ay hormuud ka yihiin ururrada u dooda xuquuqda xayawaannada iyo ...

Read More »

Nin sabab yaab leh u dhaca fadhiga baaskiillada oo la ogaaday!

MUQDISHO (HN) — 61 jir Japan u dhashay ayaa boolisku xiray dhawaan kaddib markii lagu helay inuu xaday 169 fadhiyada baaskiillada ah – si uu markiisa uga aarguto kuwii kiisa ka xaday sannad kahor. Akio Hatori, oo ku nool Ota Ward waxay kaamirooyinku qabanayeen dhawaanahan isaga oo fuqsanaya fadhiyada baaskiillada. Wuxuuna hadda kasoo muuqday maxkamadda horteeda. Warka sheekadiisa ayaa soo ...

Read More »

Nin si xeeladaysan iskaga furay xaaskiisa – iyada oo aan ogeyn!

MUQDISHO (HN) — Booliska ayaa ku daba jira baadi-goobka nin la sheegay inuu furay xaaskiisa ogaal la’aanteeda. Mana dhicin inuu marna la socodsiiyo inuu furayo. Paul Nixon, oo 51 jir ah, wuxuu si xeeladeysan usoo xaday saxiixa xaaskiisa isaga oo kusoo dhigay warqadda codsiga kala-taga lammaanaha. Wuxuuna Maxkamadda ka dhaadhiciyay inay heshiis ku yihiin inay kala tagaan. Maadama laba saxiix ...

Read More »

Sawirro – Farshaxan-yaqaan reer Portugal oo Dunida ka yaabsaday!

LISBON (HN) — Farshaxan-yaqaan u dhashay dalka Portugal ayaa leh hibo dadka qaarkiis la dhinac-simayaan awood-dabiici ah. Wuxuu shaki gelin karaa dhugashada hore ee aragtida indhahaada. Wuxuuna kugu qasbayaa inaad mar labaad ku laabato si aad u hubsato. Isaga oo 14 jir ah ayaa soo bilaabay xirfadda farshaxanka, Rodrigo Miguel Sepulveda Nunes, oo hadda 36 jir ah. Sannadkii 2007 ayuu ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!