crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haween ku hor kaadshay qoys Muslimiin ah oo tukanaya | HimiloNetwork

Haween ku hor kaadshay qoys Muslimiin ah oo tukanaya

Muqdisho – Laba haween oo ku hor kaadshay qoys Muslimiin ah oo salaad tukanayey –xilli ay cabsanaayeen ayaa laga sii daayay maxkamadda.
Natalie Richardson, oo 32-jir ah iyo Claire Farrell, oo 36-jir ah, oo xilligaa cabsanaa ayaa ku qeyliyey ereyo Islaam-naceyb ah iyaga oo kastuumooyinka ku hor baxsanaya qoyska Muslimiinta ah ee tukanayey oo ay ku jireen laba caruur ah oo 8-sano iyo 10-sano kala jira.
Lix caruur oo kale ayaa kula jiray falkan foosha xun labadan haween ee cabsanaa maalintii Sabtida bishii August 16-keedii. Labada haween ayaa lagu qaaday fal-danbiyeed ah carqaladeyn xoriyad diimeed.
Diiwaan-galiye John Trevaskis wuxuu yiri: “Qof ku sugan bulsho ilbax ah kama suurowdo falkan oo kale. Iskaba daa dunida aan joogno in lagu arko,”
“Tani waxaan ku tilmaami karaa wax laga kahdo.”
Qoyska Muslimiinta ah ayaa ka yimid Siiriya. Waxayna muddo ku noolaayeen Plymouth. Hooyada reerka ayaa ah Macalimad halka aabaha reerkuna uu yahay dhaqtar qalliimada sameeya.
Markii ay qoysku bilaabeen inay jihada Makka u tukadaan xilli ay socdaal gaaban ku joogeen goob dalxiis, labadan haween ayaa qeylo kusoo abaaray.
Waxay bilaabeen inay ku hor kaajaan iyaga oo ereyo naceyb ku dhisan ku af-lagaadeynaya.
Si kastaba, labada haween ayaa mi lix bilood oo xarig ah lagu xukumay.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!