Muqdisho – Dhallaan laba madax leh ayaa lagu dhalay gudaha isbitaal ku yaalla dalka Bangaladesh.
Kumaakun oo qof ayaa kusoo xoomay xarunta isbitaalka oo ku taalla Brahmanbaria ee bariga Bangaladesh si ay indhahooda ugu arkaan dhallaankan dhedig ee mucjisada ah taas oo laba madax leh.
Aabaha dhalay inantan, Jamal Mia, oo beeraleey ah, ayaa sheegay inuu la cajabay aragtida dhallaankiisa markii ugu horreysay ee uu qaado.
“Wuxuu u sheegay AFP: “Waxay ku dhalatay laba madax oo dhameys ah. Waxay wax ku cuneysaa laba af: wax ku urinaysaa laba san,”
“Wali Eebaa mahad leh hadday iyada iyo hooyadeed bad qabaan.”
Jamal wuxuu tilmaamay inuu la warwarayo sida uu ku maareyn doono daryeelka inantiisa haddii loo baahdo qoondo dheeraad ah.
“Murug ayaan u dareemayaa. Waayo waxaa dhalay aabe sabool ah. Mana hayo lacag aan xitaa ku arrad tiro hooyadeed.”
Abu Kowthar, oo ah maareeyaha isbitaalka ay ku dhalatay inantan, wuxuu sheegay inay gabadhu leedahay min hal xubin oo kuwa muhiimka ah sida; wadne, maskax iyo sanbabo.
“Marka laga reebo labada madax, gabadhu xubnaheeda kale waa iska caadi. Malahan wax dheeraad ah,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas kusii daray inuu isbitaalku la ciirciirayo tiro dad ah kuwaas oo booqasho ugu imaanaya gabadhan yar ee labada madax Ilaahay ku uumay.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
You must log in to post a comment.