Muslim loo dhaawacay Islaam-naceyb

Muqdisho – Koox u dooda xuquuqda Muslimiinta ayaa weydiinaysa Waaxda Garsoorka ee Maraykanka inay baaritaan ku sameyso dhaawac loo geystay taksiile reer Pittsburgh.

Darawalka ayaa la dhaawacay habeen loo yaqaan Mahad-naq isaga oo ku sugan Hazelwood, Golaha Xriirka Muslimiinta Maraykankana waxay guddiga Garsoorka ka dalbadeen in la baaro falkan Islaam-naceybka ah.

Marka loo eego warbixinta, darawalka ah 38-jir, wuxuu gaarigiisa kaga soo qaaday ninka banaanka hore ee webiga Casino abaare 1 am ee saqdii dhexe ee Jimcaha.

Darawalka ayaa sheegay in ninku uu wax ka weydiiyay kooxda ISIS iyo taariikh nololeedkiisa, isaga oo warsanaya inuu Pakistani yahay iyo in kale—sidoo kalana ku jeesjeesaya Suubanaheenna NNKH.

Kolkii uu darawalku keenay banaanka hore ee guriga ninka, wuxuu u sheegay inuu soo qaadanayo boorso uu iska soo hilmaamay—sidaas darteedna aanu ka tegin. Wax yar kadib waxaa soo laabtay ninkii oo wata qori.

Markii darawalka Muslimka ah uu arkay qoriga, wuxuu ku dhacay gaarigiisa – isaga oo si xoog leh u xawaareynaya- hayeeshe, dhabarka ayaa waxaa ka haleeshay mid kamid ah rasaastii lagu soo ganayey.

Darawalka Muslimka ah oo hadda ku sugan xaalad dagan gudaha Isbitaalka, waxaa soo badbaadiyay ruux meesha marayey kaas oo bileyska ku war-galiyey xogtiisa kahor intaan lasoo dhigin isbitaalka.

Isha: Himilonews.com

Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com

F.G. Sawirka kuu muuqda kama dhigna warbixintan sawirkeeda.

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!