crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Loolanka Shiinaha-iyo-Maraykanka ee Jabuuti | HimiloNetwork

Loolanka Shiinaha-iyo-Maraykanka ee Jabuuti

Muqdisho (Himilonews) – Shiinaha ayaa ku tala-jira ku baahinta cududdiisa militaarnimo qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika – halkaas oo Djibouti ay u tahay bar-tilmaameedka koobaad sal-dhiggiisa.
Doorashada Shiinaha ee Jabuuti ayaa ka dhigan in xoogagga Maraykanka iyo Shiinaha ay ku mideysnaan doonaan dalka yar ee bariga Afrika.
Sal-dhigyada Jabuuti ee Maraykanka waxaa ku sugan 4,000 oo ciidan gudaha xerada Camp Lemonnier—halkaas oo uu ka fuliyo kormeerka, xiriirada iyo sidoo kale duullaanka kooxaha uu ugu yeero Xagjiradda.
Xogta laga soo tebiyay xeeladaha Military ee labada wadan ee ugu awoodda badan dinida waxay kasii fog tahay ujeeddo dhaqaaleed. Mala’awaallada ka dhashay isku bowda-qaawiskan iyo sida uu dareenkiisa u sito waxaa caddeeyey xubno kamid ah golaha Congress-ka kuwaas oo madaxweyne Obama ku cadaadiyay inuu kahor joogsado Shiinaha inaanu sal-dhig ku yeelan dalka yar ee Jabuuti.
Hayeeshe, tiiyoo dareenkani halkiisa joogo, Maraykanka ayaa siiya dowladda Geelle deeq lacag gacan-qabsi ah. Wuxuu sidoo kale sanadkii hore oggolaaday inuu Jabuuti kiro ahaan ku siiyo—xerada Camp Lemonnier- lacag dhan 70-malyuun sanadkiisa 20-ka sano ee soo socota.
Sida uu sheegayo Gen Rodriguez, xiriirka ka dhaxeeya Washington iyo Djibouti kama hor-joogsanayo dalka Jabuuti inuu iskaashi xiriir military ah la sameeyo Shiinaha.
Sanadkii hore, Shiinaha iyo Jabuuti ayaa kala saxiixday heshiis gaashaan-dhig iyo amni.
Mdaxweyne Geelle wuxuu tilmaamay in doorka Shiinaha ee dalkiisa uu yahay mid ay soo dhaweynayaan.
Shiinaha ayaa ka sameeyey dhismayaal badan iyo maal-gashiyo gudaha dalka Jabuuti oo ay ku jirto dhabbe-bireed ku xira Itoobiya, gegi diyaaradeed iyo dekado.
Beijing ayaa kusoo weecisay howl-galkeeda military bariga Afrika. Gaadiid-badeedyada Shiinaha ayaa qeyb ka ahaa howl-galka loogu yeero La Dagaalanka Burcad-badeedda taniyo 2008-dii. Waxaa kale oo ay ciidamo gaaraya 800 u dirtay dalka Koofurta Suudaan  kuwaas oo qeyb ka ah howl-galka Nabad Ilaalinta ee QM.
Xoogaga Shiinaha ayaa la filayaa inay qeyb dhan oo Afrika iyo Jaziiradda Carabta kamid ah ka maamulaan sal-dhigooda Jabuuti, sida uu tilmaamayo  Mr Pham.
Inkasta oo Shiinuhu tilmaamay inaanu dano military ka laheyn Afrika gaar ahaan Jabuuti oo uu kaliya doonayo inuu kaalmo iyo taakuleyn uga noqdo ciidamadiisa Nabad Ilaalinta iyo kuwa kale la dagaalanka Burcad-badeedda, hadana waqtiga unbaa qayixi doona sida laba Dibi ay ugu wada dhaqmi karaan xero qura!!
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan “Hiraal.”
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!