Muslimad lagu xabisay garoon diyaaradeed gudihiisa
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
December 1, 2015
286 Views
Muqdisho – Muslimad Maraykan ah ayaa lagu hakad-celiyay gudaha gegi ku taalla UK kadib socdaal ay kaga soo duushay Maraykanka sababo la xiriira caqiidadeeda, sida ay sheegtay.
Ayan Mohamud, oo 18-jir ah, waxaa lagu celiyey gegida Heathrow muddo 13-saacadood ah iyada oo wax laga weydiinayo wixii ka dhacay magaalada Paris–halkaas oo kooxda Daacish ay weerar ka geysatay.
“Maan fileyn in saacado la igu heysanayo qol gudihiisa,” ayay tiri Ayan oo booqasho usoo aaday qoyskeeda oo ku nool Leicester.
Waaxda socdaalka ee UK ayaa ku marmarsooday in ujjeedada ka danbeysay qol-ku-hakinta Ayan ay aheyd sababo la xiriira hubinta dal-ku-galnimadeeda oo qura.
Mudanaha laga soo doorto Leicester mr. Keith Vaz ayaa sheegay in kiiska Ayan uu hordhigi doono waaxda qaabilsan nabad-galyada xuduudaha ee UK.
Ayan ma ahan Muslimka kaliya ee loo xiro sababo la xiriira caqiidadeeda.
Muslimiinta Yurub ayaa badanaa caqabado kala kulma xarumaha waaxyada socdaalka–halkaas oo lagu weydiiyo su’aalo dhowr ah oo ka baxsan kuwa kale ee la safra.
Weerarkii Paris ayaase dareen hor leh kusii dari doona xaaladda socdaal ee Muslimiinta Yurub kuwaas oo aan in badan naawileyn inay dhib-yari ku safri doonaan.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-01
You must log in to post a comment.