crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dhaleeceyn loo jeediyay haweeney caan ah oo sheegtay inay guursanayso…. | HimiloNetwork

Dhaleeceyn loo jeediyay haweeney caan ah oo sheegtay inay guursanayso….

MUQDISHO (HN) — Haweeney 35 jir Raashiyan ah oo caan ka ah barta Instagramka ayaa la kulmaysa dhaleeceyn xooggan kaddib markii ay ku dhawaaqday inay is guursanayaan wiilka uu dhalay seygeedii ay kala tageen.

Marina Balmasheva, oo kusoo caan baxday markii ay muuqaal ka sameysay sida culeyska la iskaga dhimo, ayaa maalmahan soo jiidanaysa indhaha dadka ku xiran barteeda, waayo xiriirka jaceyl oo ay sheegtay inay la yeelanayso wiilka ay eeddada u tahay – kaas oo ay muddo 10 sanno korinaysay – inay maanta damacdo inuu la agal-galo. Wiilka ayaa jira 20 sanno.

Farqiga da’da u dhaxeysa labadooda kasokow, Marina waxay sheegtay in jaceylkeeda cusub ee Vladamir ay qorsheynayaan inay isla aqal-galaan; ilmana ay isku dhalaan.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!