crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada Haweeneyda 51 jirta ah oo Quruxdeeda lagu hal-qabsado! | HimiloNetwork

Sheekada Haweeneyda 51 jirta ah oo Quruxdeeda lagu hal-qabsado!

SEOUL (HN) — Lee Su Jin, oo ah 51 jir daantiste ah oo ku nool Koofur Kuuriya ayaa – muuqaal-yarideeda awgeed – waxay soo jiidanaysa indhaha dad badan.

Muggii ugu horreysay oo ay wararka ugu xiisaha badan kamid noqotay sheekadeedu waxay ahayd sannadkii 2016-ka markii sawirkeeda uu ku baahay baraha bulshada qaaradda Asiya. Waxaana ay jirtay 48 sanno. Baaritaankii lagu ogaaday inay sax tahay da’deeda, waxaa durba xigay waraysiyo ay la yeesheen fogaan-aragyada Kuuriya taas oo usoo jiiday inay caan noqoto.

Waxaa halkaas ka raacday halheys curdin ah oo – iyada oo lagu halqabsanayo quruxda dhalinyaranimadeeda muuqa ah – loogu bixiyay ‘Malaa’ikta abidkeed dhalinyar.’

Marwalba oo da’deedu sii korodhana, wejigeedu wuxuu diidan yahay inuu da’diisa dhab u metelo.

Waxaana inta badan lagu wareeraa marka ay sawir wada galaan iyada oo gabadheeda sida loo kala saari karo: tumaa hooyo loo yahay?!

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!