crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Halista cudurka Karoona(COV-19), baahiyaha muhiimka ah iyo wacyiga bulshada Soomaaliyeed+Talo: (Xog Muhiim ah) | HimiloNetwork

Halista cudurka Karoona(COV-19), baahiyaha muhiimka ah iyo wacyiga bulshada Soomaaliyeed+Talo: (Xog Muhiim ah)

Cudurka Karoona waa cudur halis ah, waxa uuna dhibaato wayn ku hayaa caalamka oo idil, haba ku kala duwanaadeen’e. Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in cudurkani uusan ahayn mid cusub, se hadda halistiisu sii badatay. Sida aad og tihiin wasaaradda caafimaadku waxa ay xaqiijisay in hal qof oo Soomaali ah oo dalka soo galay  laga helay. Inkasta oo dhakhaatiirta qaar qabaan in weli loo baahanyahay xaqiijin.

Qodobka ugu wayn ee u baahan in lagu baraarugo ayaa ah, in uusan dalka oollin shaybaar lagu baaro ama lagu xaqiijiyo qofkii looga shakiyo cudurka. Oo waa in inta qofka laga qaado shayga la baarayo dibadda loo diro. Inkasta oo hay’adda caafimaadka adduunku kor jogtaynayso xaqiijinta kiisaska, haddan dalka ugu badan ee arrinta baarista lagu soo xaqiijinayo waxaa laga yaabaa in uu yahay dal siyaasad ahaan aan is-haynno, oo weliba meel xun ay naga gaartay. Sidaa darteed wax kasta ee dalkaa nooga yimaada uma aragno wanaag, mana aaminikarno natiijada baaristooda iyo  khuburadooda. Waa haddii ay taasi jirto’e.

Sidaa darteed waa in dalka deg-deg loo keenaa shaybaar, loona tababaraa dadkii ku shaqayn lahaa, inta xubnihii ku shaqayn lahaa la tababarayo waa in aan sii adeegsannaa ajaaniib aan ka soo jeedin dalalka xurgufto nagala dhaxayso. Ku darsoo karoona in adduunka lagu beeray iyo in uu iskiis u dillaacay warbaa ku jira. Markaa adna in laguugu darnaado,  ama adoon qabin khalkhal laguugu geliyo, ama baarista iyo dawada laguugu dhibaateeyo waa wax dhicikara.

Inkasta oo ay wasaaradda caafimaadku dadaashay, haddana hubaal waxaa loo baahan yahay in si fiican loo hubiyo helista goob gaar ah oo cudurka lagula tacaalo, oo loo dhamaystiray qalab iyo xirfaflayaal aqoon gaar u leh dawaynta iyo daryeelka Karoona. Dabcan maadaama uu yahay cudur aanan hore u aqoon, waa in tababarro gaaban la siiyaa dhkhaatiirta, xirfadlayaasha iyo guddiyada kale ee ka shaqaynaya ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka. Si aysan adeegayaasha laftoodu u noqon kuwo ka qeyb qaata gudbinta cudurka. 

U xil saaridda guddi gaar ah waa muhiim, kaasi oo leh qorshe Qaran oo cad, sidoo kale waa in loo dhamaystiraa sahaydii howlgalka sida; dhaqaalaha, gaadiidka, is-gaarsiinta, daawada, agabka wax dhaqista, shaybaarka, isbitaal gaar ah, goob lagu hubiyo ka hor iyo ka dib cudurka iyo guud iyo dhammaan wax kasta ee muhiim u ah ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka. Qodobadaasi iyo kuwo kaleba waxa ay fududaynayaan yaraynta halista cudurka.

Wacyiga bulshada Soomaaliyeed.

Marka la isku miisaamo halista cudurka karoona iyo heerka wacyiga bulshada Soomaaliyeed, hubaal waxaa muuqanaysa halis aad u sarraysa, oo ummadda Soomaaliyeed wacyigoodu aad ayuu u hooseeyaa. Diinta iyo cilmiga maadiga ah oo aysan aad u aqoon, inta taqaannana faham khaldan oo ay ka qabaan ayaa cuuryaaminaysa dadaallada ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka. Oo intooda badan waxa ay aaminsanyihiin in cudurku gaalada keliya ku dhoco, haddii uu Soomaaliya ka dillaacona aysan waxba taraynin in afka-laxirto, gacmaha la dhaqdo, salaanta la joojiyo iyo tallabo kasta ee khuburada caalamku isku raaceen in cudurka lagu xakameeyo, waxa ay u u haystaan dhaqan gaalo iyo in aan Alle lagu kasoonayn!!!

Culumada oo aan intooda badan si cad bulshada ugu sheegin in ay Alle ku kalsoonaadan, quraankana aqristaan, si la.mid ah-na raacaan taladada dhakhaatiirta ayaa keenaysa in dadka badankii warka culumada u qaataan quraan aqriska oo keliya. Maadaama aysan culumada badankood isku lamaanin labada dhinac, waa diinta iyo dadaalka caafimaadka’e. Taas ayaa hubaal keenaysa ama dhiirrigelinaysa in dadku aysan aaminin ama qaadan talada dhakhaatiirta iyo waaxyaha kale ee ku shaqada leh. 

#Talo: horta Alle ayaan ka magan galnay halista cudurkaan. Culumada, gaar ahaan kuwa saalixiinta ah iyo awliyaduna hanoo duceeyaan, oo summan iyo sabeen hanoo qalaan. Kun ha noo dhigeen, burde balaayada hanooga xijaabeen. Markii intaas laga tagay ayaa dhibaatooyinka iyo cudurradu soo bateen’e.

FG: Qodobkan waa fikirkayga diiniga ah, ee ha kohsan fadlan.

In la helo guddi wacyigelin oo heerkiisu sarreeyo waa muhiim. Alle ayaa badbaadada hayee bulshada wacyigeedu waa hooseeysaa waana halis wayn hubaal.

In dalka deg-deg loo keeno shaybaar iyo khuburo wax baarta, tababar bixisa, oo lagu kalsoonaankaro. 

Helista goob u gaar ah hubinta, daweynta iyo hubinta daweynta ka hor iyo ka dib. Halkii ay degi lahaayeen khuburrada iyo kooxaha adeegayaasha howlgalka guud.

In kooxaha ka shaqaynaya loo dhamaystiro baahiyaha ay qabaan, oo aan lagu xidhin saxiix xilli ay halis ka hortagayaan ama ka dabatagayaan. Hala sii siiyo sahay ku filan ama ka badan.

In dhammaan siyaasiyiinta xilka hayso iyo kuwa aan haynin waa in ay si KMG ah meel iskaga dhigaan is-diidka Siyaasadda. Oo ay wadajir uga shaqeeyaan ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka.

Dhallinyaradu waa i ay qaataan doorka ugu weyn, waa in aysan sugin in loo xil-saaro howsha, se waa in ay dhexdooda is abaabulaan,.lana shaqeeyaan kooxaha loo xilsaaray howgalka badbaadada bulshada.

Waa muhiim in culumadaaftdoodu khilaafka meel iska dhigaam, oo wadajir u qabtaan kulan wacyigelin-diineed ah, bulshadana u sheegaan in ay Alle ku kalsoonaadaan, quraanka aqristaan, sidoo kalena raacaan tilmamaha iyo talooyinka khuburrada Caafimaadka. Kulankaasi waa in uu deg-deg u dhacaa. Dhakhaatiirtu waa qaateen doorkooda, oo shalay ayey qabteen kulankoodii si wadar ah. Fadlan culumada Soomaaliyeed ha qaataan doorkaas oo kale. 

FG: cid kasta ee ka qeyb qaadanaysa dadaallada ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka karoona (COV-19) waa in ay uga dambeeyaan wasaaradda Caafimaadka. Is-barbar-yaacu wuxuu keeni doonaa halis kale oo hor leh.

Wixii ka khaldan ila sax, oo talo ku darso, haddii ay maan-gal kuula muuqato qormadu baahi, baahintaadu waa badbaadado bulsho.

Cali Suudi Nageeye.

Mr.suudi10@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!