crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Nin sabab la yaab leh u garaafeeyey Gaariga qaali ah! | HimiloNetwork

Nin sabab la yaab leh u garaafeeyey Gaariga qaali ah!

MUQDISHO (HN) — 22 jir ayaa dhawaan lagu soo eedeeyey inuu si ku-tala-gal ah u garaafeeyey gaari BMW ah oo yiil mid kamid ah shirkadaha iibiya gaadiidka – la yaab sunniyaha lala taago waxaa noqday in ninkani uu falkan u sameeyey si uu aabihiis ugu qabso inuu u iibiyo gaarigaas maadaama uu jiro xeer la yiraahdo “you break it you buy it”.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Ji Moubing wuxuu sida lagu soo warramayo booqday xerada lagu iibiyo gaadiidka raaxada. Wuxuuna si ula kac u garaafeeyey gaari nuuciisu yahay BMW si markaas aabihiis oo hodantiile ah uu ugu iibiyo.

Kahor inta uusan ku kicin falkan, Ji ayaa la hadlay aabihiis; lamase oga wixii ay ka wada hadleen. Laakiin goobjoogayaal ayaa arkay isaga oo fure uu sitay ku garaafeynaya gaariga BMW.

Booliska ayaa haddaba loogu yeeray inay soo fara-geliyaan xaaladda. Laakiin markii ay soo gaareen goobta, wiilkan ayaa sheegay in aabihiis uu ka balan-qaaday inuu gaari u iibinayo; isaguna uu doonayo nuucan BMW, balse uu aabihiis ku gacan-seyray. Sidaas darteedna uu ku qabso inuu – maadaama uu garaafeeyey gaariga – uu shuruud la’aan ugu iibiyo.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!