crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maxaa Nin Beeraley ah ku qasbay inuu Eygiisa u ekeysiiyo sidii Shabeelka?! | HimiloNetwork

Maxaa Nin Beeraley ah ku qasbay inuu Eygiisa u ekeysiiyo sidii Shabeelka?!

WEST BENGAL (HN) — Xaalad quus ku dhow ayuu ku sigtay maadaama beertiisa ay si joogto ah ugu soo dhacaan raxan daanyeero ah. Laakiin hadda wuxuu helay qorshe uu xalkeedu shaqeyn karo.

Wuxuu eygiisa u mariimay midabka uu leeyahay Shabeelka si daanyeeradu uga didaan marka ay maagaan inay usoo dhacaan beertiisa.

Srikant Gowda wuxuu dhawaan qabsaday warbaahinta gudaha dalkiisa kaddib markii uu ku dhaqaaqay tallaab maangalnimada uga fog in badan oo isaga lamid ah inay ku fekeraan.

Gowda kama ahan inuu aalaaba jeclaa helidda Shabeel uu korsado. Balse dhibaatada ay beertiisa ku hayaan raxanta daanyeerada ah ee usoo dhaca hadiyo jeer ayaa sababtay inuu eygiisa ui ekeysiiyo Shabeel si aan loogu soo dhawaan aaggiisa.

Beeraleygan ayaa sheegay in aragtidan uu kala yimid saaxiibkiis ku nool gobol kale kaas oo boor lagu sawiray shabeelka hordhigtay beertiisa si aysan daanyeeradu ugu soo dhicin.

Markii hore waxay ula muuqatay aragti silloon. In kasta oo uu ogsoonaa in in badan aan daanyeeradan lagu siri karin sawir aan dhaqaaqeyn, haddana ay muhiim tahay in aragtidaas wax ku kordhiyo. Ugu danbeyntiina, markii uu ku tijaabiyay eygiisa, waxay noqotay mid maangal ah oo sidii uu rabay u shaqeynaysa.

Balse hadda wuxuu si isla’eg u dhaqan-gelinayaa aragtidii hore ee saaxiibtiis. Waxaana kasokow eygiisa oo uu u ekeysiiyay Shabeelka, uu haddana sidii saaxiibkiis beertiisa hordhigay boor weyn oo sawiradda Shabeelka laga sameeyey.

Marka loo eego The Youth, aragtida Gowda waxaa hadda ku dayanaya beeraley badan oo sidiisa oo kale qadyaan ka jooga weerarada daanyeerada.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!