crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Dugsiyada Islaamiga ee UK oo Cunnooyin bisil la gaaraya kuwa baahan. | HimiloNetwork

Dugsiyada Islaamiga ee UK oo Cunnooyin bisil la gaaraya kuwa baahan.

LONDON (HN) — Samafalayaal ka kala socda Akadeemiyadda Bahr iyo West Food Bank ayaa iskaga yimid inay cunnooyin bisil u qeybiyaan boqolaal danyar ah, sida laga soo xigtay Chronicle Live.

“Waa muhiim in jiilka maanta la baro deeqda iyo sida cunnooyinka loogu yabooho kuwa baahan,” ayuu yiri Dewam Shoudhury.

“Sidan oo kale bishii Ramadaan waxaynu isku geynay cunnooyin kala duwan si aan ugu yaboohno danyarta nala nool,” ayuu sii raaciyay.

Toddobaadkii tagay, si kastaba, ayaa samafalayaal gaaraya 200 waxay iskugu yimaadeen si ay cunnooyin ay kariyeen ugu qeybiyaan kuwa baahan iyo darbi-jiifta.

Muhammad Abdul Muheet oo ah maamulka iskuulkan ayaa sheegay in hadafkooda ugu weyni uu yahay u gargaarista bulshada kuwooda ayaanka liita.

“Waa qeyb kamid ah wax-barashada ubadkeenna inaan ku fahamsiino qaabka oo kale inay ku yaboohaan kuna caawiyaan walaallada baahan,” ayuu yiri Muheet.

West End Food Bank ayaa rajeynaysa in – iskaashiga kala dhaxeeya iskuulkani – ay ku kaalmeyn doonto ballaarinta howlaha samafalka ah ooay ka hayaan gudaha UK.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!