crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Halkuu ku yaal Masjidka UGU yar Adduunka?! | HimiloNetwork

Halkuu ku yaal Masjidka UGU yar Adduunka?!

MUMBAI (HN) — Haddii ay dhacdo inaad booqato Masjidka Mir Mahmood Saheb ee ku yaalla Hyderabad, dalka Hindiya, waxaad la ashqaraari doontaa sida farshaxanka leh ee loo qaabeeyey dhismihiisa.

Wuxuu fidsan yahay ballac ahaan 9.2 ft x 12 ft ama 10.21 sq. mt. Waxaana mar qura gudihiisa ku dukan kara dad gaaraya shan qofood oo kaliya.

Waana sababta Masjidkan loogu naaneyso Masjidka ugu yar Caalamka.

Waxaa la taagay qarnigii 16aad markii uu xukunka talada hayay Abdullah Qutb Shah.

Wuxuu leeyahay laba minaarad.

Hadda looguma dukado si maalinle ah. Waxaana uu u taagan yahay xusuus iyo raad taariikheed ahaan oo kaliya.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!