MUQDISHO (HN) — Dalka Tajikistan wuxuu u muuqda dalka kaliya ee si rasmi ah mamnuuc uga dhigay in xafladaha dhalashada lagu sameysto meel-ka-baxsan guryaha dunida oo dhan. Waxaana qoyskii lagu helo inay ku xadgudbaan sharciga lagu ciqaabayaa ganaax adag. Firusa Khafizova, oo ah xiddig caan ah ayaa noqotay qofkii ugu danbeeyey ee lagu helo ku-xadgudubka sharcigaas kaddib markii ay baar ...
Read More »La-yaabka
Haweeney sida Canbaha u leefta Saabuunta!
MUQDISHO (HN) — Waxaa jirta haweeney Induniisiyaan ah oo sida canbaha u leefta saabuunta lagu qubeysto nuucyadeeda kala duwan. Khosif Assyifa oo 21-jir ah waxay caan ka noqotay barta Instagram-ka. Waxay muddo badan barteeda soo gelisaa muuqaalo muujinaya iyada oo leefaysa saabuun kaddibna sheegeysa sida ay ula dhadhamayso marka ay leefsato. Waxayna u muuqataa mid ku raaxaysanaysa muudsiga saabuunta. Waxayna ...
Read More »Wiil isaga oo loo fadhiyo tacsidiisa dul yimid reerkiisa!
MUQDISHO (HN) – Qoys ayaa farxad la baroortay markii uu tacsidiisa ku yimid wiilkoodii ay u tiiraanyoonayeen. Wiilkan oo kasoo jeeda xaafad yar oo la yiraahdo Santa Teresa kuna taalla Paraguay ayaa saddex maalin kaddib kusoo laabtay reerkiisa – xilli ay ku dul baroordiiqayeen meydka ay moodayeen inuu isaga yahay oo loo keenay. 20-jirka lagu magacaabo Juan Ramon Alfonso Penayo waxaa markii ...
Read More »Mas la sheegay inuu liqay lacag iyo moobil oo qoorta laga jaray!
MUQDISHO (HN) — Tuug ayaa mas u isticmaalay inuu ku xado dukaan. Uuzele Louis ayaa sawirrada maska soo dhigay bartiisa facebook oo ay aad ugu dhex baahday. Arrintan ayaa ka dhacday gudaha New Benin Market ee dalka Nigeria kaddib markii koox ganacsato ah ay waayeen lacag iyo moobilo. Waxay cadaadiyeen qofkii ay ku tuhmeen inuu xatooyada kula kacay. Surwaalka iyo hoos-gashiga ...
Read More »Haweeney – si ay ku ogaato qaabka wax loo dhaco – shaqaaleysiinaya tuugo xirfadlayaal ah!
LONDON (Himilonetwork) — Milkiilaha dukaan dharka lagu iibiyo oo ku yaalla London ayaa – si ay uga hortagto xatooyada – sameynaysa fal cajiib leh. Haweeneydan oo diiday in la magac-dhebo ayaa doonaysa xirfadlayaal tuuganimada xariif ku ah inay yimaadaan rugteeda kaddibna wax ka dhacaan. Dabadeed waxay u sheegayaan sidii ay ku dhaceen. Waxayna isku dayaysaa inay ka hortagto – iyada ...
Read More »Nin isku tilmaamay argagaxiso oo loo diiday Dal-ku-galka Maraykanka.
MUQDISHO — 70-jir u dhashay dalka Scotland ayaa iska qasaariyay fasaxiisa xagaaga uu ku tagi lahaa Maraykanka kaddib markii – isaga oo buuxinaya foomka codsiga fiisaha – uu isku sheegay inuu yahay argagaxiso. John Stevenson iyo afadiisa Marion oo ku nool Inverclyde, dalka Scotland, waxay qorsheynayeen inay dhammaadkan sannadkan fasax ku tagaan New York ayaa ku hungoobay helidda fiisaha kaddib markii waaxda ...
Read More »Nin – Si uu usoo jiito Hablaha – Isaga dhiga Boolis Dhab ah oo Xabsiga la dhigay!
MUQDISHO (Himilonetwork) – 21 sano jir Induniisiyaan ah ayaa muddo badan xirnaa uniform-ka booliska iyo biskooladda saraakiisha, si uu iskaga dhigo nin ciidan. Wuxuu intaas oo dhan u sameynayay inuu kusoo jiito gabdhaha ulana sameeyo xiriir gogol-dhaaf ah. Balse ugu danbeyn waa la xiray. Waxaana uu hor-tagi doonaa maxkamadda maalmaha soo aadan. Ari Septian Pratama, oo ah 21 jir ku ...
Read More »Tuug Xaday Laptop oo Farriin Raali-gelin ah u diraya Milkiilihii uu ka dhacay!
London (Himilonetwork) – Arday Jaamacad dhigta kaas oo dhawaan laga xaday laabtobkiisa, ayaa lagu soo warramayaa inuu helay farriin raali-gelin ah oo kaga timid tuugii dhacay – halkaas oo uu ku sheeganayo inuu u dhacay sabab faqri oo uu la noolaa. Farriin-danabeedkan raali-gelinta ah ayaa ku baahday baraha bulshada kaddib markii wiilka degan magaalada Birmingham ee Stevie Valentine uu muuqaalka qoraalkeeda la ...
Read More »95-jir kusoo toosay Geeridiisa – Xilli la moodayay inuu dhintay!
Rajasthan (Himilonetwork) – 95 jir kasoo jeeda miyiga gobalka Rajasthan ayaa dhawaan lala fajacay kaddib markii uu soo miyirsaday xilli lagu jiray dhaqista meydkiisa kolkii dhaqaatiirtu ay sheegeen inuu dhintay. Budh Ram, oo kamid ah dadka degaanka Bhaktanwalan Ki Dhani, ayaa miir-daboolmay habeenkii Sabtida kaddib markii uu ka sheegtay feeraha. Markii qoyskiisu ay ugu yeereen dhaqtarka, wuxuu baaritaan kaddib ku sheegay inuusan ...
Read More »Haweeney Maal-qabeen ah oo la ogaaday sabab la-yaab leh oo ay ku dawarsato!
MUQDISHO (Himilonetwork) – Haweeney 79-jir ah oo waqtigeeda ugu badan ku qaadata inay ka dawarsato busteejada magaalada Hangzhou, ee dalka Shiinaha ayaa dhawaan la ogaaday inay ahayd maal-qabeen howl-gab ah taas oo kasoo kacda dabaq shan biyaano ah lehna dhowr baqaar oo qaarkood kiro loogu jiro. Warka haweeneydan ayaa qabsaday guud ahaanba dalka Shiinaha kaddib markii taliska sal-dhiga booliska busteejada ka ...
Read More »