Nin – Si uu usoo jiito Hablaha – Isaga dhiga Boolis Dhab ah oo Xabsiga la dhigay!
Posted by: Himilo
in La-yaabka
December 2, 2018
419 Views
MUQDISHO (Himilonetwork) – 21 sano jir Induniisiyaan ah ayaa muddo badan xirnaa uniform-ka booliska iyo biskooladda saraakiisha, si uu iskaga dhigo nin ciidan. Wuxuu intaas oo dhan u sameynayay inuu kusoo jiito gabdhaha ulana sameeyo xiriir gogol-dhaaf ah.
Balse ugu danbeyn waa la xiray. Waxaana uu hor-tagi doonaa maxkamadda maalmaha soo aadan.
Ari Septian Pratama, oo ah 21 jir ku nool degmada South Sumatran ee gobalka Palembang, waxaa lagu soo waramayaa inuu muddo bil ah iska dhigayay askari boolis ah kahor inta aysan la kulmin booliska dhabta ah xabsigana aysan u taxaabin Iska-yeelaha da’yarka ah. Si waliba aad loogu rumeysto, wuxuu soo qaatay galka biskooladaha booliska. Wuxuuna – isaga oo ku gaaf-wareegaya xaafadda – dadka u sheegi jiray inuu yahay wiilka uu dhalay gaashaanle “Dr. Julian Saputra. Si cad wuxuu falkan ugu dhiirraday si uu usoo jiito gabdhaha una helo hablo badan oo xiriir wadaag la noqda.
Balse matalaadiisu waxay noqotay mid wax-ku-ool ah maadaama toban gabdhood oo isugu jira shaqaale rayid, kalkaaliso, dhaqaatiir uu ka dhaadhiciyay inuu yahay booliska – xiriirna uu la yeeshay. Wuxuu xittaa haweeney kale oo boolis aheyd ku shukaansaday inuu la yahay boolis.
Wuxuu kireysan jiray baabuur qaali ah – isaga oo haweenka u sheegaya inuu doonayo inuu guursado si ay ula seexdaan hal habeen. Wayna u shaqeysay.
“Waxaan haweenkii badnaa oo aan la kulmay u balan-qaaday inaan guursanayo, mana heysan adduun aan kula aqal-galo. Balse waxaa ii suura-gashay inaan la jiifsado,” ayuu yiri. “Qaarkood ayaa waliba ah kuwo alkuman.”
Ninkan ayaa iska diiday inuu xil-beeneedka uu sheegtay uu ku dhacay wax lacag ah sida laaluush iyo shaxaad.
Ari waxaa lagu qasbay inuu qaladkiisa ku hor qirto saxaafadda horteeda, Wuxuuna sheegay dhammaan sida falkani uu kusoo bilowday. Maalintii Isniinta ayaa, si kastaba, 21 jirkan loo taxaabay xabsiga kaddib markii mid kamid ah haweenkii uu la haasaawayay ay shaki ka qaaday saxnimada sheegashadiisa. Markii ay u cadaatay inuusan wax xiriir ah la wadaagin shaqada booliska, waxay sirtiisa la wadaagtay laanta danbi baarista. Halkaas oo ugu danbeyntii lagu guuleystay in lasoo xiro.
Haddii lagu helo qaladkiisa, wuxuu xabsiga ku cabi doonaa liin dhanaan.
Related
2018-12-02
You must log in to post a comment.