crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Gabadha UGU dheer Dalka Shiinaha! | HimiloNetwork

La kulan – Gabadha UGU dheer Dalka Shiinaha!

MUQDISHO (Himilonetwork) – Inaad aragto Zhang Ziyu oo – iyada oo la socta saaxiibadeeda fasalka – dusha sare la heysata marka ay u socdaan iskuulkooda  Cultural East Road ee Jinan, dalka China, waxaa kugu adkaaneysa inaad rumeysato in dhammaantood wada dhigaan fasalka lixaad ee dugsiga hoose. 11 sano jirta Zhang waxay dheer tahay  6ft 7in, qaar ayaana rumeysan inay tahay gabadha ugu dheer adduunka.
Labada waalid ee Zhang waa ruug cadaa hore oo ciyaarta kolayga dheeli jiray, waxayna dheer yihiin laba mitir wax ka badan. Marka way iska cadahay in dhererka Zhang uu yahay hidde-side dhaxaltooyo ah kaas oo muuqaalkeeda qeyb weyn ka qaatay. Balse inay sidaan oo dhan u dheeraato iyada oo jirta 11 sanno ayaa ah arrinta qeyrul-caadiga ah. Zhang waligeed way ka dheereyd inamada kale ee iskuulka xittaa markii ay aheyd fasalka koobaad.
Hayeeshe kasoo tag Zhang iskuulkeeda. Xittaa waxay ka dheer tahay rag caan ah oo ciyaara kubadda kolayga sida  LeBron James. Waxaana muuqata in koritaanka u dhiman u gaarsiin karo inayba dhaafto dadka caanka ah ee dunida ugu dhaadheer.
“Waagii aan isla bilowday fasalka koobaad ilaa iyo maanta isku si ma noqoneyso. Wax un baa kusii kordhaya,” ayuu yiri arday la dhigta fasalka. “In kasta oo aan ka weynahay bilooyin iyada, haddana way iisoo hundhursataa marka aan wada hadlayno,” ayuu sii raaciyay mid kale.
Sida waalidkeeda, Zhang waxay aad ugu fiican tahay ciyaarta kubadda kolayga. Taasina waxay soo if baxday markii aabaheed ay maalin si caadi ula ciyaartay – iyada oo muujisay hibadeeda gaarka ah.
Hadda waxaa Buugga Guinness Record uu gabadha ugu dheer adduunka u diiwaan-geliyay Sophie Hollins, oo 12-jir ah oo kasoo jeeda Southampton, England. Waxayna dheer tahay 6ft 2in. Taas oo ka dhigan in Zhang ay wali kasii dheer tahay ku dhawaad taako in la’eg.
Macadda haddii qoyskan Shiineeska ah ay doonayaan inay tartanka uga qeyb-galaan abuurka cajiibka leh ee inantooda.
Lamid ma ahan Ren Keyu, oo sidoo kale ah da’yar Shiinees oo dhererkiisu gaarayo (2.06 meters) – kaas oo ka sheegtay ama ka ashtakooday dhererkiisa maadaama asaagii ay ku orriyaan mararka qaar. Balse Zhang waxay sheegtay inay ardayda la dhigata iskuulka ay aad ugu faanayaan inay dhex joogto had iyo jeer.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeedka; hiraal86@gmail.com

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!