crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 95-jir kusoo toosay Geeridiisa – Xilli la moodayay inuu dhintay! | HimiloNetwork

95-jir kusoo toosay Geeridiisa – Xilli la moodayay inuu dhintay!

Rajasthan (Himilonetwork) – 95 jir kasoo jeeda miyiga gobalka Rajasthan ayaa dhawaan lala fajacay kaddib markii uu soo miyirsaday xilli lagu jiray dhaqista meydkiisa kolkii dhaqaatiirtu ay sheegeen inuu dhintay.
Budh Ram, oo kamid ah dadka degaanka  Bhaktanwalan Ki Dhani, ayaa miir-daboolmay habeenkii Sabtida kaddib markii uu ka sheegtay feeraha. Markii qoyskiisu ay ugu yeereen dhaqtarka, wuxuu baaritaan kaddib ku sheegay inuusan nooleyn oo uu geeriyooday. Qaraabada ayaa intaas kaddib isugu wacay qolyaha qaabilsan xabaasha ee Hinduuga. Wiilasha reerka ayaa sida dhaqankoodu yahayba waxay iska xiireen timaha, waxayna isku diyaarinayeen inay aasaan meydka.
Balse markii ay ku shubeen biyo qabow – si loogu qubeeyo – wax lama filaan ah ayaa dhacay. Ninkii dhinsanaa ayaa si mucjiso leh uga soo toosay gogosha.
Balu Ram, oo ah curadka aabaha 95-jirka ah, wuxuu sheegay in meyd-la-moodku uu qarqaray markii ay ku shubeen biyaha qabow. Waxayna intaas kaddib ula carareen sariirta – halkaas oo saacad kaddib uu bilaabay inuu la hadlo.
“Wuxuu bilaabay inuu neefsado,” ayuu yiri Balu. “Markii la su’aalay siduu ku xanuunsadayna, wuxuu sheegay inuu jiifsaday markii uu xanuun ka dareemay feeraha. Balse tani waa arrin mucjiso ah.”
Mucjisada kale ee jiri karta ayaa ah sababta dhaqtarkan geerida ku qoray bukaankani uu ku helay aqoonsiga kaarka caafimaadka.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!