California (Himilonetwork) – Bulshada cajibka ah ee ku nool Seal Beach, California, waxay milkiilaha xarun iibisa doolshooyinka ku caawinayeen muddo badan inuu waqti ku filan la qaato afadiisa xanuunsan – iyaga oo xilli hore ka iibsada dhammaan dalabka maalinkaas usoo dhaca si uu xilli hore inta uu u xiro kaddibna ugu tago gacalisadiisa.
John iyo Stella Chhan waxay muddo 30 sanno ku dhow ay xarun iibisa macmacaanka ku lahaayeen faras-magaalaha Pacific Coast Highway, balse dhowr isbuuc kahor ayaa macmiisha ku xiran rugtiisa ganacsi waxay ogaadeen in lammaanuhu aysan wada-jir ku aheyn shaqadooda maalinlaha ah.
John ayaa ahaa qofka kaliya ee ka dhex adeegaya dukaanka, hayeeshe Stella ayaan ku sugneyn goobta. Waxaa kusoo booday xanuunka aneurysm bishii September kaas oo u diiday inay dhaqaaqdo ama ay xiriir wada-hadal toos ay dadka la yeelato. In-kasta oo ay bilowday inay hadalka ku nuuxnuuxsato, haweeneydan wali waxay ku jirtaa xarun fisiyotarabi ah oo lagu dhaqan-celinayo. Marka John wuxuu u baxaa maalinle in yar kaddib marka uu iska iibiyo dalabka maalintaas usoo dhaca. Hayeeshe, dadka degaanka ayaa bilaabay inay ku caawiyaan waqti dheeri ah inuu la qaadan karo afadiisa xanuunsan.
Lammaanahan ayaa Maraykanka uga yimid dalka Cambodia sannadkii 1979-kii. Waxayna furteen xaruntan 10 sanno kaddib imaatinkooda.
Halkan ka daawo muuqaalka laga sameeyey warbixintan.
You must log in to post a comment.