crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masha Allah – Duuliye Shahaadada loogu qabtay Hawada sare ee Sucuudiga! | HimiloNetwork

Masha Allah – Duuliye Shahaadada loogu qabtay Hawada sare ee Sucuudiga!

RIYAD (Himilonetwork) – Duuliye u dhashay dalka Brazil ayaa qabsaday indhaha dadyowga caalamka kaddib markii isaga oo hawada sare ku duulinaya diyaaradda uu cabbaar hakad geliyay si Shahaadada loogu qabto dusheeda xilli ay dul maraysay hawada Sucuudiga.
Captain Amalo, oo duulinaya diyaarad aan magaceeda la sheegin waxaa la duubay isaga oo aqrinaya Shahaadada. Waxaana u qabanayay saaxiib la saarnaa diyaaradda.
Marka loo eego al-Balad, muuqaalka fiidiyowga ah oo laga duubay ayaa la daaway in ka badan 20,000 oo jeer. Waxaan aragtiyo u badan hambalyo iyo bogaadin uu ka helay gobalka Bariga Dhexe iyo dhammaan dunida Muslimka.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!