crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Adeegga ‘Relax We Post’ oo Dalxiisayaasha u sahlaya in looga shaqeeyo Koontadooda Baraha Bulshada. | HimiloNetwork

Adeegga ‘Relax We Post’ oo Dalxiisayaasha u sahlaya in looga shaqeeyo Koontadooda Baraha Bulshada.

Muqdisho (Himilonetwork) – Relax We Post” waa adeeg cusub oo hoteellada Swizz-ku ay u fidiyaan martida ku nasaneysa kuwaas oo raba inay ka nafisaan dunida baraha bulshada kuna raaxaystaan fasaxyadooda – isla mar ahaantaana aanan dooneyn inay ka maqnaadaan qadka. Dhammaan waxa kaliya oo ay u baahan yihiin ayaa ah inay xogaha koontadooda instagram-ka ku aaminaan howl-wadeennada hoteelka u qaabilsan shaqada qadadka.
Wuxuu kuusoo dhigayaan sawirradaaada iyo sheekooyinka aad jeceshahay. Waxay xittaa waliba kuu bixinayaan comments iyo like.
Halkii dalxiisuhu uu waqtigan badan ku bixin lahaa sawirradii uu halkan ku galo inuu haddana soo geliyo baraha bulshada, waxay si dhib yar uga nasanayaan dunida internet-ka iyaga oo loo qabanayo wixii kaga xiran xiriirrada saaxiibadiisa instagram-ka iyo kuwa kale ee la halmaala.
Relax We Post service wuxuu leeyahay shaqaale xirfadlayaal ku ah howlaha baraha bulshada kuwaas oo qaarkood ay yihiin kuwo macruuf ah.
Badi dalxiisayaashu markay imaanayaan goobaha ay u dalxiisayaan waxaa caado u ah inay macluumaadkooda ay daqiiqad daqiiqad ula wadaagaan saaxiibadooda kula xiriira baraha bulshada. Si haddaba loo helo duni uu ka jiro dalxiis dabiici ah oo aan lala dhinac wadin.

 

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!