crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Haweeney Maal-qabeen ah oo la ogaaday sabab la-yaab leh oo ay ku dawarsato! | HimiloNetwork

Haweeney Maal-qabeen ah oo la ogaaday sabab la-yaab leh oo ay ku dawarsato!

MUQDISHO (Himilonetwork) – Haweeney 79-jir ah oo waqtigeeda ugu badan ku qaadata inay ka dawarsato busteejada magaalada Hangzhou, ee dalka Shiinaha ayaa dhawaan la ogaaday inay ahayd maal-qabeen howl-gab ah taas oo kasoo kacda dabaq shan biyaano ah lehna dhowr baqaar oo qaarkood kiro loogu jiro.
Warka haweeneydan ayaa qabsaday guud ahaanba dalka Shiinaha kaddib markii taliska sal-dhiga booliska busteejada ka howl-gala ay codbaahiyaha ku sheegeen farriin lala yaabay oo ah inaan lagu kadsoomin haweeneydan oo aan loo maleynin darbi-jiif. Waayo sida ay u muuqato uma ayaan xuma.
Layaabku wuxuu kasii daray markii wiilkeeda uu shaaciyay inay yihiin qoys nolol ahaan hodan ah oo hanti maguurto ah oo ka badan heysta – isaga oo maareeye ka yahay mid kamid ah warshadaha qoyskoodu leeyahay.
Wuxuu sheegay in tiro dhowr jeer uu hooyadii u sheegay inaysan dawarsanin. Balse way ku gacan-seyrtay.
“Waan u sheegay in haddii aysan sumcadeeda ilaashaneyn – annaguna aan ilaashaneyno,” ayuu yiri. “Waxaan subax walba siiyaa cunno nafaqo leh, waxayse ku adkeysataa inay u baxdo dawarsi – tuugsi. In badan oo dadkan kamid ah way ka qanisan tahay. Waxayna leedahay keyd bangi oo lacageed.”
Haweeneydan 79-jirta ah waxay markii hore halkan u timid inay iibiso qaaradaha. Balse markii boolisku amray inaysan halkan ku ganacsan, waxay bilwoday inay ku dawarsato.
Waxay subax walba 10:00 barqanimo timaadaa busteejada – iyada oo ka tagta habeenkii fiidka hore. Marka loo eego ilaha qaar, maalin walba waxaa soo gala lacag dhan  300 yuan.
Dadaal lagu doonayo in looga joojiyo dawarsiga, wiilkeeda ayaa sawirradeeda ku baahiyay dhammaanba aagga busteejada baabuurta iyo baraha bulshada – isaga oo dadka u sheegaya inaysan siin wax lacag ah haddii ay arkaan.
Balse taasi uma shaqeynin siduu rabay. Hadda shaqaalaha busteejada ayaa xaaladda soo fara-geliyay. Waxayna codbaahiyaha ugu sheegayaan dadka inaysan siinin wax lacag ah haweeneydan.
“Haweeneydan way ladan tahay. Haku sirmina. Hana iska siinina lacagihiinna,” ayaa laga maqlayaa codbaahiyaha.
Sheekada haweeneydan ayaa dhalisay dood adag. Halka dadka qaar ay ku dhaleeceeyeen qiyaanada ay ku heysto dadka danyarta, qaar kale ayaa eedda dusha uga tuuray wiilkeeda – iyaga oo ku tilmaamay mid gabay inuu waqti fiican la qaato daryeelka hooyadiis. Taasina ay ku xanbaartay inay bannaanka usoo dawarsato.
Wiilka ayaa iska diiday eedeymaha – isaga oo sheegay inaysan maangal aheyn waqti walba in indhaha lagu haayo waalidka maadaama uu shaqadiisa u degdegayo.
Haweeneyda oo waraysi lala yeeshay ayaa sheegtay inaysan jecleyn inay kaligeed iska joogto guriga maalintii oo dhan. Taas beddelkeedana ay ka doorbidayso inay dawarsato si lacagta ay ka hesho ay ugu ijaarato qof daryeela marka ay gabowdo.
Balse kawaran lacagta tira badan oo wiilkeedu ku sheegay inay ugu jirto koontada bangiga?
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!