Mas la sheegay inuu liqay lacag iyo moobil oo qoorta laga jaray!
Posted by: Himilo
in La-yaabka
January 31, 2019
820 Views
MUQDISHO (HN) — Tuug ayaa mas u isticmaalay inuu ku xado dukaan.
Uuzele Louis ayaa sawirrada maska soo dhigay bartiisa facebook oo ay aad ugu dhex baahday.
Arrintan ayaa ka dhacday gudaha New Benin Market ee dalka Nigeria kaddib markii koox ganacsato ah ay waayeen lacag iyo moobilo.
Waxay cadaadiyeen qofkii ay ku tuhmeen inuu xatooyada kula kacay.
Surwaalka iyo hoos-gashiga ninkan ayaa meel bannaan ah looga siibay – isaga oo laga raadinayo lacagta iyo mobilka maqan.
Markii laga waayay, ganacsatada ayaa si xun u jirdilay ninkan kaas oo markii danbe sheegay in mas uu adeegsaday uu liqay lacagtii iyo moobilka labadaba.
Ganacsatada ayaa kolkii danbe go’aansaday inay qoorta ka jaraan maska si looga soo saaro lacagta iyo moobilka uu sheegay eedeysanaha lagu tuhmay xatooyada inuu liqay.
Related
2019-01-31
You must log in to post a comment.