crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> October | 2024 | HimiloNetwork | Page 3

Monthly Archives: October 2024

Ninkii keligiis beeray 41,000 geedo ah!

MUQDISHO (HN) – Helio da Silva, oo ah ganacsade howlgab ah oo u dhashay dalka Brazil ayaa keligiis ku guuleystay inuu geedo dhan 41,000 ku beero magaaladiisa Sao Paolo. Wuxuuna soo waday beeritaankooda muddo 20 sannadood ah. Hadda qof walba oo diyaarad ku maraya magaaladiisa wuu arki karaa geedaha tirada badan oo uu keligiis ku beeray masaafo gaaraysa 3.2-kilometer oo ...

Read More »

5,000 samafalayaal ah oo sannadkan ‘u adeegay’ xujeyda.

MUQDISHO (HN) – Ku dhawaad 5,000 oo samafalayaal ah ayaa iska diiwaangeliyay si ay ugu adeegaan xujeyda gudanaysa xajka, sida ay kusoo warrantay wasaaradda arrimaha diinta, dacwada iyo hanuuninta. Wasaaradda ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 247 jaad oo shaqooyin kala duwan ah oo qofka samafalaha ahi u qaban karo xujeyda. Waxaana kamid ah qeybinta caagag biyo ah oo gaaraya 235,000 oo ...

Read More »

10 jir ayuu ku Islaamay – 12 jirna ku xifdiyay Qur’anka.

MUQDISHO (HN) — Mahdi, oo ah 12 jir u dhashay dalka Gabon ayaa kulanweynaha tartanka Qur’anka kariimka ah ee Boqor Abdulaziz kaga yaabsaday cod macaan iyo xifdin Qur’an – waana un labo sannadood kaddib inta laga joogo markii uu qaatay diinta Islaamka. Mahdi ayaa ah Muslimka kaliya ee reerkiisa ku jira, waxaana macalinkiisa iyo ardaydii wax la dhiganaysay ka yaabisay sida ...

Read More »

Wuxuu dhintay isaga oo Qur’an aqrisanaya!

MUQDISHO (HN) — Aabbe labo carruur ah dhalay ayaa dhintay isaga oo Qur’an aqrisanaya – maalmo un kaddib markii uu yimid magaalada Birmingham. Hassan Khebbeiz, oo labadiisa waalid waayay isaga oo da’yar, wuxuu ka xoogsan jiray UK kaddib markii uu kasoo qaxay dalkiisa Suuriya si uu nolol dhaanta tii uu kasoo cararay uga helo waddankan. Wuxuu joogay un muddo kooban ...

Read More »

6251 arday oo ‘hal kalfadhi’ ku xifdiyay Qur’anka!

MUQDISHO (HN) – Qeyb kamid ah Barnaamijka Qur’an aqriska Al-Azhar, ku dhawaad 6,251 oo arday ah kana kala yimid gobollada dalka Masar ayaa hal kalfadhi ku wada aqriyay Qur’anka oo dhan. Waana dhacdo ay soo agaasimaan macaahidda al-Azhar. Ujeedka laga leeyahay Barnaamijkan ayaa ah in sare loo dhigo heerka aqooneed iyo si fiican u aqrinta Qur’anka kariimka ah, sida ay ...

Read More »

104 jir sannadkan kamid noqotay Xujeyda!

MUQDISHO (HN) — Haweeney 104 jir ah oo kasoo jeeda dalka Ciraaq ayaa Xajkii tagay ee sannadkan waxaa loo aqoonsaday xaajiga ugu da’da weyn ee kamid noqda xujeyda. Waxaana lagu magacaabaa Kazimiya Hatim. 33,000 oo xujey Ciraaqi ah ayay kamid ahayd haweeneydan, waxaana gegida caalamiga ah ee  Prince Mohammed bin Abdulaziz si diirran ugu soo dhaweeyey xujey iyo mas’uuliyiin. Waxaana ...

Read More »

Feeryahanka Jeff Monson oo qaatay Islaamka.

MUQDISHO (HN) — Feeryahanka iyo legdamaha u dhashay dalka Ruushka, Jeff Monson ayaa qaatay diinta Islaamka – isaga oo gudaha caasimadda Moskow ka dhex aqriyay kalmadda tawxiidka ama shahaadada. Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada aadna ugu baahay ayuu Moson ku dhawaaqayaa kalmadda tawxiidka. Feeryahankan miisaanka culus oo ah Ruushiyan Maraykan ah, wuxuu kasoo muuqday tartamo badan oo uu guulo weyn ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!