Bulshada iyo hab-fahmeedka Deegaanka
Posted by: Zakariya
in Deegaankeenna
June 13, 2015
591 Views
qeybtii labaad;
Dhibta ugu weyn ee deegaanka lagu hayo ma ahan sida loogu waashay dabarjaristeeda. Waa aqoon darrida ku wajahan fahamka guud ee deegaaanka. Dallaawaha mustaqbalka ma ahan midka misaarta u sita iyo midka wax-yeelaya dhirteenna. Waa midka aan aqoon waxa deegaanku ugu fadhiyo.
Hadaba, deegaanka oo ah goob kulmisa nool iyo moodba, waxaa ku sugan waxtar badan oo aan lasoo koobi Karin. Aadmiguna kama maarmi karo waxtarkaas. Hayeeshe, markaynu isdul-taagno dhirteenna oo sal u ah nolosha sanku-neeflaha dhamaan ee ku nool guudka arlada, waxay ku fadhisaa wax aan hadal lagu dhamayn Karin, howlna lagu gaari Karin. Waxaase kamid ah;
-
Aqal Soomaaliga waa laga sameeyaa.
-
Looxaanta daaraha lagu dhiso, kuraasida iyo miisaska ayaa laga qoraa.
-
Xaashidaa laga sameeyaa.
-
Birtaa lagu daabaa sida; dubbaha, godinta, iwm.
-
Weelka ayaa saab looga dhigaa sida hanta iyo qunbaha.
-
Jirifeeda ama meyraxdooda asal baa laga sameeyaa sida sarmaanta, xagarka iyo wixii lamid ah.
-
Caleenta geedaha xoolaha iyo ugaarta ayaa noo daaqda.
-
Mirahooda iyo xabagtooda dadka ayaa cunaoo ku nool; waa la karsadaa waana la dugsadaa.
-
Dhirta waa la shitaa; beeyadaa laga helaa.
Dhulku haddaanu dhir lahayn biyo maqabsado oo badda iyo webiyaasha ayay ku shubmaan.
Hadaanu dhulku biyo qabsan geedo kama soo baxeen oo wuu nabaad guuri lahaa. Dad iyo duunyo midna kuma noolaan kareen geyi abaar ah. Dhulku carro-san haddaanu lahayn, dhir iyo cagaar kama soo baxeen. Haddaan doog jirin naf, dad, duunyo iyo dugaag majireen.
Xigasho; Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Zakariya Hassan “Hiraal”
Related
2015-06-13
You must log in to post a comment.