qeybtii labaad;
Dhibta ugu weyn ee deegaanka lagu hayo ma ahan sida loogu waashay dabarjaristeeda. Waa aqoon darrida ku wajahan fahamka guud ee deegaaanka. Dallaawaha mustaqbalka ma ahan midka misaarta u sita iyo midka wax-yeelaya dhirteenna. Waa midka aan aqoon waxa deegaanku ugu fadhiyo.
Hadaba, deegaanka oo ah goob kulmisa nool iyo moodba, waxaa ku sugan waxtar badan oo aan lasoo koobi Karin. Aadmiguna kama maarmi karo waxtarkaas. Hayeeshe, markaynu isdul-taagno dhirteenna oo sal u ah nolosha sanku-neeflaha dhamaan ee ku nool guudka arlada, waxay ku fadhisaa wax aan hadal lagu dhamayn Karin, howlna lagu gaari Karin. Waxaase kamid ah;
-
Aqal Soomaaliga waa laga sameeyaa.
-
Looxaanta daaraha lagu dhiso, kuraasida iyo miisaska ayaa laga qoraa.
-
Xaashidaa laga sameeyaa.
-
Birtaa lagu daabaa sida; dubbaha, godinta, iwm.
-
Weelka ayaa saab looga dhigaa sida hanta iyo qunbaha.
-
Jirifeeda ama meyraxdooda asal baa laga sameeyaa sida sarmaanta, xagarka iyo wixii lamid ah.
-
Caleenta geedaha xoolaha iyo ugaarta ayaa noo daaqda.
-
Mirahooda iyo xabagtooda dadka ayaa cunaoo ku nool; waa la karsadaa waana la dugsadaa.
-
Dhirta waa la shitaa; beeyadaa laga helaa.