May dhiman Qarannimadu!!
Posted by: Zakariya
in Faallooyinka
June 13, 2015
398 Views
Qeybtii ugu danbeysay:
Muqdisho – Muqdisho oo wajiga ku heysa badweynta Hindiya waa magaalo aad qadiimi u ah. Magaceedana waxaa layaqaanay waqtigii Faraaciinta Masar. Lix ama Todobo qarni kahor, Muqdisho waxaa laga dhisay masaajido iyo minnaarado aad u qurux badan kaas oo ka haray raadkii taariikh ku yeelashada Carabta iyo Beershiya. Muqdisho majirto magaalo u eg oo Afrikada madow ku taalla.
Hayeeshe, muunadaas milgada leh waxaa daadka marisay hadimmadii qabyaaladda. Ma dhahayo qabiil waayo qabiilku ceeb malahan ee qabyaallada ayaa ceeb aheyd.
Maanta Muqdisho wali waa xurmadii Soomaaliya. Dhismo casri ah iyo kuwa aad qadiimi u ah. Dad badan iyo gawaari kala duwan ayaad ku arkeysaa magaalada. Waxaad kale ood ku arkeysaa Muqdisho ganacsiyo aad u fara badan oo dadku ay kala iibsanayaan. Tacliin sare iyo tayo ilbaxnimo oo kusii fideysa qalbiyadii shalay qabyaaladda isku dirirayey.
Marka aad aragto iskaashiga dhan-dhaqaale ee qiimaha leh oo ay ganacsatadu ku mideysan yihiin iyo siday shalay qabyaalad ugu kala safnaayeen, waxaa ku galaya tuhun ah timo ma kasoo baxaan calaacalaha?!.
Kolka aad fiiro dheer jeedaaliso habsamida habboon ee da’yartu ugu kaltamayaan dan-wadaaga aqoonta iyo bara-baxooda waxbarashada iyo siday shalay ugu kala irdheysnaayeen naca iyo isir faquuqa, waxaa kugu dhalanaya hilaabashada ifafaalo ceel guntiis dhex yuurarta.
Hayeeshe, kolka aad dhugato sida quruxda leh oo ay Soomaalidu u wada xididayaan iyagoo ka fog Reer hebeleysi iyo siday shalay isku dooxan jirtay, waxaa kugu dagaya dareen milicsi iyo mohasho leh inaad waligaa ku eegto Soomaaliyoo idil.
Yidiidiilooyinka nool iyo samaha koraya ee ku dhex abuurmaya Bulsho weynta Soomaaliyeed kasokow, saadaal danbe oo ifafaalo qurxoon sidata ayaa wali na sugaysa. Waana kolkii aad aragto haldoorro rugtii ay shalay ku kala tageen maanta wada tuban. Halyeeyo halkii ay wax ka arki jireen garwaaqsaday inay nacasnimo ku ahayd kuwaas oo kuugu baaqaya qarannimo.
Waxaase kaaga sii yaab badnaaneysa markii aad eegto da’yar falanqeynaya kaalinta ay ku leeyihiin bulshadooda iyo siday u badbaadin lahaayeen. Halka uu bartilmaameedkoodu yahay in gunta laga jaro virus-ka qabyaaladda ee dhaliya cudurrada naca, dirirta iyo dowlad la’aanta.
Inkasta oo bulshada sii hoga-tusmeyso kana joogsaneyso haadaanta iyo boholaha waaweyn ee qabyaaladda, hadana inyar oo bulshada kamida ayaan ka bogsan uurka walow bushimahoodu ka caagacnaaday qabyaaladeysiga kuwaas oo mar un laga dhowrayo inay bulsha-weynta Soomaaliyeed ka baran doonaan qiimaha qarannimada iyo hadimmada qabyaaladda.
Halka dhalinta soo koreysana laga sugayo inay dhayaan boogahii kala gaaray aabayaashood. Dhibkii dhacayna xalay-dhalay laga noqdo dibna aan loo xusin.
Ceyduruus Maxamuud Iimaan.
Related
2015-06-13
You must log in to post a comment.