crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Baydhabo mise Barisamo!! | HimiloNetwork

Baydhabo mise Barisamo!!

qeybtii labaad;
Nolol ku dhisan gacaltooyo iyo daltabnimo ayaa ah waxa lixaadka garashadu ka fusho ay ku dagaan. Waxa ay saanyadaan hanaan socodsiinta nolosha tiiyoo aduunyadu laba galin tahay; Abaar iyo aaran. Nagaadiga waligii-joogga ayaa sidoo kale ah waxa ay indhaha reer baydhabo ku xasilaan. Waxaa intaas dheer, laf ahaantayda, doojinta iyo daawashada il-qabadka leh ee gashaantimo qurux badan, gabdho cadaan iyo casaaniyo sidii faraska Ceynaba indhuhu ku dhaygagaan. Nina caadadii ma ceebsado. Haween jacaylku iyo haasawahooda, waxaan u leeyahay hido.
Walow aan ahayn waaya-jooge soo gaaray barisamaadkii, misana aanan xeel-dheeri ku ahayn sooyaalka facawayn ee Gobollada Baay iyo Bakool gaar ahaan Baydhabo, hadana humaaga ii muuqda maanta oo aan ku suganahay Baydhabo ayaa si cad iigu qeexaya ilbaxnimada dadeed iyo daganeed. Hadaba maanta oo ay tahay Isniin 25th May 2015, waxaan soo galay Baydhabo anigoo lasocda gaari rakaab ah oo ka yimi Xamar kuna sii jeeday Balad-xaawo oo ahayd baritaarkii socdaalkayga. Goor galab ah ayaan soo galnay Baydhabo kadib keynaan diif reebay oon kasoo helnay anbabixii Xamar.
Hadaba, dharaarta aynu joogno, Baydhabo waa magaalo ceynkee ah?!
Baydhabo waxay 250km ka dhacdaa dhanka Koofur-galbeed magaalada Mugdisho. Waana magaala madaxda Afaraad ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed. Fogaanta dhow oo ay u jirto Xamar ayaa sidoo kale ka dhigtay magaalo Istiraatiiji ah. Gooshka gaadiidka isugu jira rarka iyo rubadleyda ayaa ah kuwa 24-saac is-weydaarta. Inta u dhaxaysa Baydhaba iyo Xamar, waa dhabbe rogad jajaban maadaama jidkii laamiga ahaa uu burburay. Waxayna kugu qaadanaysaa muddo saacado ah inaad ku timaado Baydhabo ama aad kaga timaado. Isbadallada maamul ee koofurta ku moogtama ayaana saamayn ku reebay.
waxaa qoray; Ceyduruus Maxamuud Iimaan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!