Sheekada ku dahsoon Kashmiir !!

Qeybtii labaad;
Muqdisho (Himilonews) – Waxaa jira faallooyin badan oo marag-dhiga sida isu-kalsoonida iyo xiriirka u dhaxeeya Delhi iyo Srinagar uu u gebi-dhacleeyey. Guntuna ay noqotay in kadmo-damaceed xornimo doonis ah uu Kashmiir ka beekhaamo taas oo dastuurka Hindiya uu ku libdhiyay qodobka 370-aad. Inkasta oo badi xuquuqda reer Kashmiir la xabaalay, dhul ilaalinta dooxada dhexdeeda wali waa la kormeeraa kaliyana dadka reer Kashmiir ayaa heli kara goob ay dhulkooda kaga noolaadaan. Waana heysimaadkan midda ka hor-tagtay dib-u-deegaansi goobta ku fida.
Ka dagaagidda gobolka Kashmiir, militari ayaa ku fiday kuwaas oo si aan la maleyn Karin gumaadka ugu haliila. Tan iyo 1989 ilaa 2011, waxaa jiray 8,000 oo kiisas dad la waayay ah iyo 70,000 oo meydad reer Kashmiir ah oo ka dhashay qarqarsiga gumeysi ee Hindiya. Jirdilku waa lagama-fursaan. Khurram Parvaiz, xubin kamid ah Dadyowga Caalamiga ah ee Cirib-tirka Jirdillada Xaqdhowrka Aadmiga iyo Garsoorka ee Kashmiirta Hindiya maamusho (IPTK), wuxuu ka shaqeeyaa diiwaan-galinta Kiisaska Jirdillada. “Kiisaska ugu badan ee aan laga tebin Jammu iyo Kashmiir waa jirdilka. Haddii aad tagto xaafad un, boqollaal dadyow ah oo xaafadahan ku nool waa la jirdilay—kaliya ma ahan niman, hayeeshe haween, caruur iyo sidoo kale xittaa waayeello”. Parvaiz wuxuu ku howlnaa diiwaan-galinta jirdillo ka badan 1500 oo qof kuwaas oo noqday ma-dhalays xubnahoodii danab iyo koronto lagu naafeeyey. Wuxuu ku socdaa inuu sharaxo inay jireen boqollaal wiilal ah kuwaas oo kufsi ahaan ay u fara-xumeeyeen ciidamada militariga Hindiya. Kiis gudihiis, eedeymaha loo jeediyay waxaa qayaxay muuqaal fiidiyow ah oo banaanka soo dhigay wax ugu yaraan caadka-ka-rogay xaqiiqdeeda. Parvaiz wuxuu sii qeexay kiis kale oo jirdil ah. “Waxaan diiwaan-galiyay kiisas tiiraanyo iyo baqdin leh; hayeeshe, kiiskan ayaa ugu boholyow daran”. Ciidanka ayaa ku xabisay oday 60-sano jir ah qol lagu tumaatiyo maxbuusta muddo bil ah. Intii lagu jiray bisha dhexdeeda, wax cunno aan ka ahayn jirkiisa in loo jarjaro lama cunsiin. Waxay cad kasoo jaraan jirkiisa deedna dhuuni uga dhigaan. Tani waa wixii muddo bil ah cunno ahaan lagu quudinayey. Isaga oo dib u tirinaya jirdillada, Parvaiz wuxuu ku cataabay “Tani waa waxa walaaca nagu riday. Halkan waxaa ku yaalla boqollaal Guantanamo Bay ah. Maxay dunidu uga hadli waysay?”.
Jirdillada iyo dhimaalkana wax badan lama aasi karo. July 2011, Guddiga Xaq-dhowrka Aadanaha ee Jammu iyo Kashmiir waxay sii daayeen warbixin diiwaan-galisay 2,156 dhimaallo “meydad” aan heybtoodii lagaran oo ku jira 38-xabaalo wadareed ah. Parvaiz wuxuu sharaxay sidii ay u adkayd helidda maqnaanada oo dowladda Hindiya ay raadka u xaaqday. “Dowladdu waxay sheegtay in xabaalaha aan la astayn ahaayeen maleeshiyaad shisheeye ah oo aan loo baahneyn wax badan inay dadku kasii warwaraan”. Waxaa jira tijaabooyin DNA-ga ku saabsan oo laga qaaday haraadiga meydadka. Parvaiz wuxuu sheegay in badi tijaabadu soo saartay in meydadka la dilay gebi-ahaantood yihiin rayid reer Kashmiir ah. Parvaiz wuxuu yiri, “Waa xaq qoysasku leeyihiin inay meydadka helaan. Dowladu ma rabto inay qoysaska siiso meydadka waayo waxaa jira wax la qarinayo. Waxay qarinayaan astaamaha jirdillada”. 
Waa socotaa ee lasoco qeybta ugu danbeysa ee saddexaad
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!