crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muxajabad Fogaan-aragga kasoo muuqanaysa!! | HimiloNetwork

Muxajabad Fogaan-aragga kasoo muuqanaysa!!

Washington, USA (Himilonews) – Ku aroorista riyo-caruureedkeedii ahayd inay noqoto Wariye, haweeneyda Muslimadda Maraykanka ah waxay naawilaysaa noqoshada gabadhadii ugu horreysay ee Fogaan-aragga kaga soo muuqata iyada oo xiran Xijaab.
“Waxaan ku barbaaray ogaanshaha inaan doonayo noqoshada Saxafiyad…sal ahaanna waxaa ahaa sheeko tebiso,” Saxafiyada Muslimadda ah ayaa ku sheegtay muuqaal ay Jimcihii soo kax-bixisay Huffington Post, April 10.
“Waligay maan malayn inaan xiranayo Xijaab, hayeeshe kolkaan bilaabay xirashadiisa, waxaan go’aansaday inaan wali quuddareeyo noqoshada saxafiyad; qayax ahaanna ma doonayn inay tani i hor joogsato.”
Ku adkaysiga u hal-gankeeda heyb-sheegadka ah inay tahay gaban Muslim Maraykan ah, Libiyan-Ameerikaan Saxafiyada ah waxay sheegtay in hankeedu uu ahaa dhiirri-geliyaha turxaan bixiyay mihnadda hal-qorista iyo tebinta warbixinnada.
“Magaceygu waa Nuura—oo ah Iftin. Magaceyga dhexda ahna waa Alhuda oo ah—hanuun—marka kolkii la isku daba karo labadayda magac waxay u dhigmaan sida Nuural Huda oo ah Hanuunka iftiinka,” ayay tiri.
“Magaceyga laf-ahaantiisa ayaa igu tirsiiyay inaan noqdo iftiinka hanuunka.”
21—jiradda Tagouri waxay guntii awooday rumeynta riyadeeda kadib ku baahinteedii Ol’olaha Barkulanka Bulshada oo ahaa #LetNoorShine# gudihii 2012, si ay nafteeda ugu dhiirrido iyo kuwa kalaba ku hal-adayga inay dhadhabku uu dhabnimo isku rogo.
Xirashada Xijaabka si faan iyo fariidnimo ah, Tagouri waxay barta kulanka bulshada ku yeelatay 89,000 raadato “followers” ah.
Islaamku xirashada Xijaabka wuxuu u arkaa hab-labiseed sharci ah mana uga dhigna astaan diimeed muujinaysa gaaroobid.
Inkasta oo aysan jirin tirakoob sax ah oo lagu sameeyo Muslimiinta ku nool Maraykanka, hadana waxaa la rumeysan yahay inay jiraan ku dhawaad 10—malyuun oo Muslimiin ah gudihiisa.
Isha: Himilonews.com
Zakariya Hassan.
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!